Qatar Oo Ku Baaqday In La Joojiyo Colaadaha Bariga Dhexe, Iiraan iyo Mareykankana Lagu Dhiirrigeliyay Wadahadal

Wednesday March 11, 2026 - 13:41:19
hadhwanaagnews
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Qatar ay si weyn uga walaacsan



Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda ee dalka Qatar, Mohammed bin Abdulaziz Al-Khulaifi, ayaa ku baaqay in la dejiyo xiisadaha ka taagan Bariga Dhexe, isagoo ku dhiirrigeliyay Iiraan iyo Mareykanka inay dib ugu soo laabtaan miiska wadahadalka si xal diblomaasiyadeed loogu helo khilaafka jira.


 

Al-Khulaifi oo wareysi gaar ah siiyay Al Jazeera ayaa sheegay in xaaladda gobolka ay u baahan tahay deganaan iyo wada hadal, isagoo tilmaamay in sii socoshada colaadaha iyo weerarradu aysan wax faa’iido ah u lahayn dalalka gobolka.


 

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Qatar ay si weyn uga walaacsan tahay weerarrada ballaaran ee Iran lagu eedeeyay inay ka fuliyeen dalal ka tirsan gobolka, kuwaas oo la sheegay inay mararka qaar bartilmaameedsadaan kaabayaasha dhaqaalaha rayidka.


 

Sida uu sheegay Al-Khulaifi, xal waara oo lagu soo afjaro xiisadaha Bariga Dhexe waxaa lagu gaari karaa oo keliya wadahadal iyo iskaashi diblomaasiyadeed, halkii laga sii wadi lahaa tallaabooyin militari oo sii hurin kara colaadaha.

     
Loading...