Shaqaalaha Dawladda Hoose ee Hargeysa oo Lagu Wacyigeliyay Kordhinta Cibaadada iyo Ilaalinta Amaanada

Monday March 09, 2026 - 13:31:54
HADHWANAAGNEWS
Wuxuu si gaar ah ugu bogaadiyay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta dadaalka ...



Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Dawladda Hoose ee Hargeysa, Khadar Yuusuf Cali, ayaa soo abaabulay kulan loogu qabtay shaqaalaha Dawladda Hoose, kaas oo lagu xasuusinayay muhiimadda kordhinta cibaadada bisha Ramadaan iyo ilaalinta amaanada umadda loo hayo.


 

Agaasime Khadar Yuusuf Cali ayaa sheegay in wacyiga shaqaalaha dawladdu si weyn isu beddelay, gaar ahaan marka ay helaan wacyigelin joogto ah oo ay bixiso Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland.


 

Wuxuu si gaar ah ugu bogaadiyay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta dadaalka ay ku bixiso baraarujinta iyo wacyigelinta shaqaalaha dawladaha, isaga oo xusay in shaqaalaha Dawladda Hoose ee Hargeysa ay si weyn uga faa’iideen barnaamijyada ay culimada wasaaraddu qabtaan.


 

Agaasimaha ayaa yidhi:


 

"Mar kasta oo Wasaaradda Diintu wacyigeliso shaqaalaha, wax weyn baa iska beddela.”


 

Dhanka kale, Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa sidoo kale Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah u qaybisay shaqaalaha Dawladda Hoose ee Hargeysa, si ay uga faa’iidaystaan akhriskiisa iyo fahamka diinta, gaar ahaan inta lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

     
Loading...