Wasaaradda Shaqada Oo Bilowday Diyaarinta Hage Cusub Oo Lagu Horumarinayo Barnaamijyada Ilaalinta Bulshada

Monday July 06, 2026 - 09:59:17
hadhwanaagnews
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Maxamed Cabdi Xaashi,..


Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland ayaa daahfurtay kulan wada-tashi ah oo soconaya laba maalmood, kaas oo lagu diyaarinayo hage mideynaya hirgelinta Barnaamijyada Ilaalinta Bulshada ee dalka.


 

Kulanka waxaa ka qayb galay wakiillo ka socda wasaaradaha dowladda, dawladaha hoose, hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah, kuwaas oo ka wada tashaya sidii loo dejin lahaa hannaan mideysan oo lagu horumarinayo adeegyada bulshada.


 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Maxamed Cabdi Xaashi, ayaa sheegay in ujeeddada kulanka ay tahay dib-u-eegista hagaha la diyaariyey, si loogu waafajiyo baahiyaha iyo duruufaha dalka, loogana dhigo mid ay dhammaan hay’adaha daneeyayaasha ahi si wadajir ah ugu shaqayn karaan.


 

Waxa uu xusay in hagaha cusub lagu dari doono talooyinka iyo khibradaha ay soo jeediyaan ka qaybgalayaashu, si loo helo hannaan hufan oo kor u qaada tayada barnaamijyada ilaalinta bulshada.


 

Agaasimaha Guud ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyey in wasaaraddu ay xoogga saarayso xoojinta doorka dawladaha hoose ee bixinta adeegyada bulshada, gaar ahaan daryeelka carruurta iyo hirgelinta barnaamijyada ilaalinta bulshada ee heer degmo iyo gobol.

     
Loading...