HADHWANAAGNEWS
Waaxda Baadhista Dakhliga Cashuuraha Bariga iyo Kastamyada ee Xafiiska Hanti-Dhawrka Guud ee Qaranka ayaa si rasmi ah uga bilowday baadhis shaqo Gobolka Saaxil.
Baadhistan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo daahfurnaanta, isla-xisaabtanka iyo ilaalinta dakhliga qaranka, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo habsami-u-socodka ururinta cashuuraha iyo kastamyada.
Ujeeddada baadhistan ayaa ah in la hubiyo in dakhliga soo xarooda uu u dhaco si waafaqsan shuruucda iyo nidaamyada maaliyadeed ee dalka, isla markaana la adkeeyo ilaalinta hantida qaranka.
Xafiiska Hanti-Dhawrka Guud ee Qaranka ayaa sidoo kale caddeeyey in ay ka go’an tahay kor u qaadidda maamul-wanaagga, isla-xisaabtanka iyo ilaalinta khayraadka ummadda, si loo xaqiijiyo in dakhliga qaranku si hufan loo maareeyo.