Badhasaabka Gobolka Gabiley oo Kulan la Qaatay Isu-duwayaasha Wasaaradaha

Saturday March 07, 2026 - 12:24:10
HADHWANAAGNEWS
Badhasaabku waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay..



Badhasaabka Gobolka Gabiley ayaa kulan muhiim ah la yeeshay isu-duwayaasha Wasaaradaha dawladda ee ka hawlgala gobolka, si loo xoojiyo wada-shaqaynta loona dardargeliyo hawlaha horumarineed ee ka socda gobolka.


 

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii laamaha kala duwan ee wasaaraduhu u wada shaqayn lahaayeen, isla markaana kor loogu qaadi lahaa adeegyada ay u hayaan bulshada ku nool gobolka Gabiley.


 

Badhasaabku waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay isku-duwidda shaqooyinka, wadaagista xogta iyo wada-tashiga joogtada ah, si si mideysan loogu fuliyo qorshayaasha horumarineed ee gobolka.


 

Ugu dambayn, waxa uu ku boorriyey isu-duwayaasha wasaaradaha inay laba jibbaaraan dedaalkooda, si loo xaqiijiyo adeegyo wax ku ool ah oo gaadha bulshada gobolka Gabiley.

     
Loading...