Maayirka Caasimadda Hargeysa oo Socod Lug ah Ku Maray Qaybo Ka Mid ah Magaalada Jigjiga

Thursday August 28, 2025 - 15:09:35
hadhwanaagnews
Maayirku wuxuu sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay fursadda
May be an image of 6 people

Maayirka caasimadda Hargeysa, Mudane Cabdikariin Axmed Mooge, oo hawlo shaqo u jooga magaalada Jigjiga, ayaa habeenimadii xalay socod lug ah ku maray qaybo kamid ah magaalada.

Maayirku wuxuu sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay fursadda uu u helay in indhihiisa uu ku arko horumarka iyo bilicda magaalada Jigjiga, taasoo uu ku tilmaamay mid ka sarreysa sawirradii ama muuqaalladii laga heli jiray warbaahinta.

"Jigjiga waxay ii noqotay wax ka weyn sawirradii aan hore u arkay. Indhaha ayaa ka run badan kamaradaha," ayuu yidhi Maayir Cabdikariin oo muujiyay mahadnaq iyo bogaadin ku aaddan horumarka ay samaysay magaaladaasi.
     
Loading...