Ciidanka Dab-damiska Hargeysa oo Gaadhi ka saaray Bir ku taallay Xafiiska Xeer-ilaalinta Maroodijeex

Wednesday August 27, 2025 - 15:14:59
hadhwanaagnews
Hawlgalkaasi oo si taxaddar leh loo fuliyey ayaa lagu
May be an image of 6 people, car and text


Ciidanka Dab-damiska iyo Samatabixinta Hargeysa ayaa maanta si guul leh uga saaray gaadhi nooca Prado ah bir weyn oo dul fuushay, taasi oo ku taallay agagaarka xafiiska Xeer-ilaalinta Gobolka Maroodijeex.

Hawlgalkaasi oo si taxaddar leh loo fuliyey ayaa lagu xaqiijiyey badbaadada gaadhiga, iyadoo aanay waxyeello kasoo gaadhin. Ciidanku waxa ay muujiyeen xirfad iyo feejignaan sare intii uu socday gurmadku.

Haddii aad u baahato gurmad degdeg ah, fadlan la xidhiidh Ciidanka Dab-damiska iyo Samatabixinta Somaliland adigoo wacaya lambarka gurmadka degdega ah ee 990, kaasoo ka shaqeeya shirkadaha Telesom, Somtel iyo Soltelco.
     
Loading...