DEG DEG Dab Ka Dhashay Koronto Ka kacay Hargeysa

Friday September 19, 2025 - 09:40:29
hadhwanaagnews
Waxaa la farayaa muwaadiniinta in ay taxaddar ka muujiyaan


Ciidanka Dabdamiska Hargeysa ayaa si degdeg ah uga hawlgallay dab ka dhashay shoodh koronto oo ka dhacay badhtamaha Suuqa Hargeysa. Waxay damiyeen dabkaas iyaga oo ka badbaadiyay meherado badan iyo ganacsiyo halkaa ku yaalay.

Waxaa la farayaa muwaadiniinta in ay taxaddar ka muujiyaan halista korontada, isla markaana ay si degdeg ah ula xidhiidhaa shirkadaha korontada haddii ay arkaan khatar koronto.

Haddii aad la kulanto masiibo dab, waxaa lagugu boorinayaa in aad wacdo lambarka gurmadka degdega ah ee 990 oo uu leeyahay Ciidanka Dabdamiska iyo Samatabixinta Somaliland, waxaana laga heli karaa shirkadaha Telesom, Somtel, iyo Soltelco.
     
Loading...