Marwada koowaad ee dalka Turkiga ayaa ku boorisay Melania Trump inay ka hadasho caruurta ku dhibaataysan dagaalka Israa’iil ee Gaza. Emine Erdogan ayaa ammaantay taageerada ay marwada koowaad ee Mareykanka u fidisay carruurta ay saameysay duullaanka buuxa ee Ruushka uu ku qaaday Ukraine, iyadoo ka codsatay inay "kordhiyo u qareemida ” Falastiiniyiinta.
Warqad ay daabacday madaxtooyada Turkiga Sabtidii, ayay Mrs Erdogan ku sheegtay in Qasa ay noqotay "xabaalaha carruurta”, iyada oo u sheegaysa Marwada Trump: "Waa inaan u midayno codkeenna iyo xooggeenna ka hortagga caddaalad-darradan.”
Arrintani waxay imaaneysaa xilli khubaro ku takhasustay amniga cuntada oo ay taageerto Qaramada Midoobay ay qiimeeyeen in nus milyan qof ay la ildaran yihiin macaluul magaalada Qasa – waxaana naftoodu halis ugu jirta nafaqo-darro ilaa 132,000 oo carruur ah.
"Odhaahda ilma aan la garanayn’ oo lagu qoray marooyinka kafanta u ah kumannaan carruur reer Qasa ah ayaa damiirkeena ku furaysa dhaawacyo aan laga soo kaban karin,” ayay qortay marwada Erdogan.
Warqadda aya xaaska Trump kaga codsanaysa in ay "u muujiso Qasa dareen la mid ah kii ay u muujisay carruurta Ukraine kuwaas naftooda ku waayey dagaaka”
Xaaska Erdogan waxay sidoo kale ku dhiirrigelisay xaaska Trump in ay si toos ah ugu baaqdo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, in uu joojiyo masiibada bani’aadantinimo ee ka jirta Qasa.
Horaantii bishan, Marwada Trump waxay u dirtay madaxweyne Vladimir Putin warqad ay ku codsanasyo inuu ka fiirsado xaaladda carruurta – hase yeeshee, may xusin carruur gaar ah.
Marwada koowaad ee Turkiga ayaan inta badan ku lug yeelan siyaasadda, iyada oo inta badan doorata in ay si firfircoon uga shaqeyso arrimaha deegaanka – taas oo ay ammaan kaga kasbatay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres.
Marwada Erdogan waxay hore u qortay warqado loo diray lamaanayaasha hoggaamiyaasha caalamka sannadkii 2016, oo ay kaga hadashay xaaladda dadkii reer Suuriya ee ku xayirmay dagaalka sokeeye, iyadoo bishii Marj cambaareysay tallaabooyinka Israa’iil ee Qasa.