Qof u dhashay dalka Shiinaha ayaa lagu xukumay siddeed sano oo xaridh ah ka dib markii lagu helay dambi ah inuu si sharci darro ah hub iyo agab milatari uga dhoofiyay Mareykanka una diray Waqooyiga Kuuriya, sida ay sheegtay waaxda caddaaladda Mareykanka.
Shenghua Wen, oo 42 jir ah, ayaa la sheegay inuu qaatay ku dhowaad 2 milyan oo doollar oo uu ka helay saraakiil Waqooyiga Kuuriya ka soo jeedda si uu hubka uga dhoofiyo gobolka California, sida lagu sheegay war-saxaafadeed Isniintii kasoo baxay waaxda caddaaladda.
Wen, oo deganaa magaalada Ontario ee gobolka California, ayaa la xidhay tan iyo Diseembar 2024. Bishii Juun 2025, wuxuu qirtay dambiyo ay ka mid yihiin inuu ka shaqeynayay si uu u jebiyo Xeerka Cunaqabataynta Dhaqaalaha Caalamiga ah iyo inuu ahaa wakiil sharci-darro ah oo u shaqeynayay dowlad ajnabi ah.
Kiiska Wen wuxuu muujinayaa hababka ay Waqooyiga Kuuriya uga gudubto cunaqabataynta caalamiga ah ee lagu soo rogay ganacsigeeda hubka.
Waaxda caddaaladdu waxay ku tilmaantay Wen inuu yahay "muhaajir sharci darro ah”, waxayna sheegtay inuu ku yimid Mareykanka isagoo wata fiisaha ardaynimada sanadkii 2012, balse uu sii joogay dalka ka dib markii fiisihiisu dhacay Diseembar 2013.
"Ka hor inta aanay u safrin Mareykanka, Wen wuxuu la kulmay saraakiil ka tirsan dawladda Waqooyiga Kuuriya oo uu kula kulmay safaaradda Waqooyiga Kuuriya ee Shiinaha,” ayay tidhi waaxda caddaaladdu. "Saraakiishan ayaa u dhiibay hawlo uu ku soo iibsado agab ay u baahantahay Waqooyiga Kuuriya.”
Bishii 2022, laba sarkaal oo Waqooyiga Kuuriya ka soo jeeda ayaa la xidhiidhay Wen iyagoo adeegsanaya baraha fariimaha internetka, waxayna ku amreen inuu si qarsoodi ah uga dhoofiyo hub iyo agab kale Mareykanka loona geeyo Kuuriyada Waqooyiga.
Sanadkii 2023, Wen wuxuu konteennarro hub ah ka diray dekedda Long Beach ilaa Shiinaha, isagoo beegsaday in ay ugu dambeyn gaaraan Waqooyiga Kuuriya. Wuxuu si khaldan u sheegay macluumaadka ku saabsan waxa saarnaa kantoonnarradas
Mid ka mid ah konteenarradaas, oo uu ku sheegay in uu siday qaboojiye, ayaa gaaray Hong Kong bishii Janaayo 2024, ka dibna loo sii diray magaalada Nampo ee Waqooyiga Kuuriya.
Sidoo kale, Wen wuxuu iibsaday shirkad hubka iibisa oo ku taalla Houston isagoo isticmaalaya lacag uu ka helay sarkaal Waqooyiga Kuuriya u dhashay, wuxuuna hubka uga raray Texas ilaa California si loogu dhoofiyo.
Bishii Sebtembar ee sanadkii hore, wuxuu iibsaday ku dhowaad 60,000 oo xabbo oo rasaas ah, isaga oo qorsheynayay in uu u diro Waqooyiga Kuuriya