"Daahir Rayaale waxa uu ahaa Madaxweynihi ii Diray Koorsadii Ugu Horreysay"Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL

Monday February 02, 2026 - 15:00:29
HADHWANAAGNEWS
Waxaanu yidhi. "Madaxwayne horre Daahir Rayaale
Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL, Sareeye Guuto Nimcaan Yuusuf Gaaxnuug, ayaa sheegay in Madaxweynihii hore Daahir Rayaale uu ahaa madaxweynihii koorsadii ugu horreysay udiray.

Waxa uu xusay inuu ku faraxsan yahay soo dhaweyntiisa, isaga oo carrabka ku adkeeyay in Ciidanka Qaranku maanta isugu filan yihiin derayskooda, isla markaana leeyihiin kaabayaal ay ka mid tahay Warshadda Roodhida.

Taliyuhu waxa uu intaas ku daray in tan iyo markii loo magacaabay xilka, mudnaanta koowaad la siiyay isku-filnaanshaha iyo tayaynta awoodda Ciidanka Somaliland.

Waxaanu yidhi. "Madaxwayne horre Daahir Rayaale waxa uu ahaa madaxwaynihii Course-kii u horeeyay ii dira, maantana anoo Talyihii Ciidanka ah in aan halkan kusoo dhaweeyo waan ku faraxsanay..

Madaxweyne Ciidanku maanta isaga ku filan derayskiisa, Sidoo kale waxaad soo aragtay Warshada Roodhida ee Ciidanka.

Madaxweyne tan iyo markii sanadkii ka hor aad igu sharaftay Taliyaha Ciidanka Qaranka mudnaanta koobad waxaanu siinay in Ciidanka isku filnaado, waxaanu dhisnay kartidii Ciidamada Somaliland...” Talye Nimcaa
     
Loading...