Madaxweyne Cirro: Somaliland Waxay Ka Gudubtay Marxaladda Dhismaha Dawladnimada, Tallaabada Xigtana Waa Aqoonsi Caalami ah

Saturday March 14, 2026 - 12:17:29
HADHWANAAGNEWS
Dhanka kale, Madaxweyne Cirro ayaa tilmaamay in shacabka Somaliland....



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in Somaliland ay hore uga gudubtay marxaladdii ku wajahnayd dhismaha dawladnimo iyo xaqiijinta nabadda, isla markaana ay hadda diiradda saarayso helitaanka aqoonsi caalami ah.


 

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa hadalkan ka sheegay wareysi uu magaalada Hargeysa ku siiyay wargeyska caalamiga ah ee Financial Times, sida ay soo xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland (SOLNA). Madaxweynaha ayaa caddeeyay in tan iyo markii la doortay 2024, uu sii waday dedaalladii ay bilaabeen madaxdii isaga ka horreysay ee ku saabsanaa in beesha caalamka loo bandhigo doodaha sharci iyo taariikheed ee salka u ah madaxbannaanida Somaliland.


 

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale xusay in aqoonsi la’aantu ay caqabad ku noqotay in Somaliland si buuxda uga faa’iidaysato suuqyada caalamiga ah, taas oo xaddiday fursadaha dhaqaale iyo iskaashi ganacsi oo ay la yeelan lahayd dalalka kale.


 

Dhanka kale, Madaxweyne Cirro ayaa tilmaamay in shacabka Somaliland ay si gaar ah u dhisteen nabaddooda, isaga oo xusay in bulshada ay hore ugu kulmi jireen shirarka dhaqanka ee dhirta hoosteeda, si ay u gaadhaan heshiisyo nabadeed oo saldhig u noqday dhismaha dawladnimada. Wuxuu sheegay in halkaas laga dhisay dastuurka iyo nidaamka dawladnimo, kadib markii Somaliland ay dib ula soo noqotay madaxbannaanideeda 1991-kii.

 

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay in Somaliland ay qabatay doorashooyin xor iyo xalaal ah, kuwaas oo uu ku sheegay inay yihiin kuwo naadir ku ah qaaradda Afrika, taasoo muujinaysa horumarka dimuqraadiyadeed ee dalka.

     
Loading...