HADHWANAAGNEWS 
Hal-ku-dhigga sannadkan ee xuska 35-guuradda 18-ka May ayaa loo doortay "Aqoonsi iyo Adkaysi”, taas oo ka tarjumaysa himilada qaranka ee ku aaddan raadinta aqoonsi caalami ah iyo xoojinta adkaysiga bulshada Somaliland.
Hal-ku-dhiggan ayaa muujinaya laba qodob oo muhiim ah:
Aqoonsi: dadaalka joogtada ah ee Somaliland ugu jirto helitaanka aqoonsi caalami ah
Adkaysi: kartida iyo dulqaadka shacabka ee ay ku dhiseen qaranimo iyo xasillooni
Xuska sanadkan ayaa la filayaa inuu si gaar ah u iftiimiyo guulaha ay Somaliland gaadhay 35-kii sano ee la soo dhaafay, iyadoo la adkaynayo midnimada, waddaniyadda iyo horumarka dalka.