Wasiirka Arrimaha Gudaha: Ciidanka Boolisku Waa Laf-dhabarta Sugidda Amniga Somaliland

Sunday March 15, 2026 - 13:50:11
HADHWANAAGNEWS
Wuxuu sidoo kale xusay in marka qof ay soo wajahdo



Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdalle Maxamed Carab, ayaa ka hadlay muhiimadda ay leeyihiin Ciidanka Booliska Somaliland, isaga oo ku tilmaamay laf-dhabarta sugidda amniga gudaha iyo xasilloonida bulshada.


 

Wasiirku wuxuu sheegay in Ciidanka Boolisku door weyn ka qaataan ilaalinta nabadda, dhaqan-gelinta sharciga, ka hortagga iyo dabagalka dambiyada, iyo hubinta in muwaadiniintu ku noolaadaan deegaan ammaan ah oo ay si xor ah ugu qabsadaan hawlahooda maalinlaha ah.


 

Wuxuu sidoo kale xusay in marka qof ay soo wajahdo xaalad adag ama khatar, waxa ugu horreeya ee maskaxdiisa ku soo dhaca ay tahay ciidanka Booliska, maadaama bulshada ay kalsooni weyn ku qabto ciidanka. Sidoo kale, qof kasta oo damacsan fal lid ku ah bulshada iyo amniga ayuu sheegay inuu mar walba ka feejignaado joogitaanka Booliska.


 

Wasiir Cabdalle Maxamed Carab ayaa hadalladan ka jeediyay kaddib socdaal uu ku soo maray Saldhigga Dhexe ilaa Suuqa Weyn ee magaalada Hargeysa, isagoo ugu dambayn gaadhay xarunta Dawladda Hoose ee Hargeysa.


 

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in heerka amni ee ka jira Somaliland uu yahay mid sareeya, xitaa marka loo eego dalal badan oo awood ahaan ka weyn, kuwaas oo ay adag tahay in hoggaamiyayaashoodu si caadi ah ugu dhex socdaan suuqyada iyaga oo aan la socon ciidan badan.


 

Ugu dambayn, wasiirku wuxuu ku ammaanay shacabka Somaliland sida ay u fahamsan yihiin muhiimadda amniga, isla markaana ay si dhow ula shaqeeyaan laamaha ammaanka. Wuxuu sidoo kale bogaadiyay Ciidanka Booliska Somaliland, isaga oo ku tilmaamay halgamayaal u taagan ilaalinta badbaadada iyo amniga shacabka.

     
Loading...