Duqa degmada Hargeysa oo Kormeeray Dhismaha Xarunta Cusub ee Degmada Gacan Libaax

Wednesday August 27, 2025 - 15:15:58
hadhwanaagnews
Saddex degmo oo keliya ayaa hadhay, Gacmadhere, 26 June, iyo 31 May.

May be an image of 5 people

 Duqa caasimadda Hargeysa, Mudane Cabdikariim Axmed Mooge, ayaa maanta kormeer ku tagay dhismaha cusub ee xarunta degmada Gacan Libaax, oo haatan maraysa heer gebogaeo ah, lana filayo in dhowaan xadhigga laga jaro.

Xaruntani waxay noqonaysaa tii 6aad ee golaha deegaanka Hargeysa ka hirgeliya degmooyinka, si kor loogu qaado adeegyada bulshada loona dhiirrigeliyo cashuur bixinta.

Saddex degmo oo keliya ayaa hadhay, Gacmadhere, 26 June, iyo 31 May.

Dhismahan casriga ah wuxuu ku yimid iskaashi u dhexeeya shacabka deegaanka iyo Dawladda Hoose ee Hargeysa, taasoo horseedday in maanta la helo xarumo dabaq ah oo adeeg hufan bixiya.
     
Loading...