Xubinta kowaad ee barnaamijkeena dowladdaha hoose ee toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doona Munaasabad si weyn loo agaasimay oo lagu qabtay magaalada Hargeysa, ayaa lagu saxeexay heshiis maataynayn ah oo u dhexeeya magaalooyinka Hargeysa iyo Jabuuti.
Heshiiskan taariikhiga ah waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin wasiiro, xildhibaano, madax-dhaqameed, duqa degmada Jabuuti iyo weftigiisa, iyo saraakiil kale oo ka socday labada dhinac.
Heshiiskan mataaneynta ah ayaa diiradda lagu saaray iskaashi dhexmara labada magaalo ee walaalaha ah, si loo xoojiyo xidhiidhka bulshada, dhaqaalaha, iyo horumarinta adeegyada dadweynaha.
Haddaba waxaa la isla gartay in heshiiskan uu noqdo mid horseeda, isjaasg, iskaashi caalami ah, fududeynta adeegyada bulshada, horumarinta dhaqaalaha iyo amniga, kordhinta bilicda magaalooyinka iyo qoon isweydaarsi joogto ah.
Duqa magaalada Hargeysa, Mudane Cabdikariim Axmed Mooge, ayaa sheegay in heshiiskan uu yahay mid waxtar weyn u leh labada dhinac
Waxaanu yidhi.”Waxyaabaha la iska kaashan doono waxa ka mid ah horumarinta adeegyada dhaqaalaha, amniga, kor u qaadista bilicda magaalooyinka Hargeysa iyo Jabuuti.
Haddii la is caawinayo, la is booqanayo ama la is fahmayo, waxaan qabaa in aanu nahay magaalooyin xaq u leh mataaneyntan.”
Duqa magaalada Jabuuti, Mudane Siciid Daa’uud Maxamed, ayaa isna xusay muhiimadda uu heshiiskani leeyahay
Waxaanu yidhi."Maayerkii ugu horreeyay ee i hanbalyeeya wuxuu ahaa Maayer Mooge, maanta laga bilaabo si rasmi ah ayaanu isu kaashan doonaa walaalahayaga Somaliland, gacmaha ayaanu isqabsan doonaa, aqoon isweydaarsiga ayaanu xoojin doonaa.
Hargeysa wixii ay kaga qurux badan tahay waan ka faa’iidaysan doonaa, sidoo kale Jabuuti fikradaha ay hayso way la wadaagi doontaa walaalaheed.”
Nuxurka xubinta labaad ee barnaamijkani waa heshiis mataaneyneed rasmi ah oo u dhexeeya magaalooyinka Hargeysa iyo Jabuuti, kaas oo lagu dhisayo iskaashi toos ah oo ku saleysan, horumarinta adeegyada bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, iyo nadaafadda, kor u qaadidda bilicda iyo amniga magaalooyinka, dhiirrigelinta xidhiidhka dhaqan-dhaqaale iyo ganacsi, aqoon-isweydaarsi iyo tababaro u dhexeeya shaqaalaha dawladaha hoose, xoojinta xidhiidhka walaaltinimo iyo iskaashi taariikhi ah oo u dhexeeya labada bulsho
Heshiisku wuxuu muujinayaa in magaalooyinka Hargeysa iyo Jabuuti aaanay ahayn oo kaliya jaarka juquraafiyeed, balse ay yihiin bulshooyin xidhiidh qoto dheer leh oo danahooda wada jira la xoojinayo.
Waa farriin ku wajahan bulshada, in la is kaashado si loo horumariyo nolosha muwaadiniinta iyo in iskaashi dhab ah uu horseedi karo nabad, horumar, iyo is-dhexgal wanaagsan.
Heshiiskani wuxuu astaan u yahay is-aaminaad, walaalnimo, iyo dan-wadaag, wuxuuna dhigayaa dhabbaha horumar waara oo labada magaalo ku gaadhi karaan iyagoo gacmaha is haya.
Farriinta guud waa in iskaashi iyo isfahan ay ka bilaabmaan heerka hoose (magaalooyinka), taas oo horseedi karta midnimo ballaaran oo gobolka iyo caalamkaba faa’iido u leh.