Wasiiru-dawlaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga JSL, Cabdirashiid Maxamed Axmed (Magaalo),ayaa si adag uga hadlay sidashada hub sharci darro ah oo lagu arko gudaha magaalada Ceerigaabo,waxaanu shacabka gobolka Sanaag gaar ahaan degmada Ceerigaabo faray in ay mamnuuc tahay in magaalada gudaheeda lagu arko cid sidata hub shirci darro ah isla markaana sawir qaldan ka bixinaysa ammaanka guud ee gobolka iyo ka degmada Ceerigaabo.
Wasiiru-dawlaha arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Cabdirashiid Maxamed Axmed (Magaalo) ayaa,ayaa intaa ku daray in ay amar kama dambays ah ay tahay in aan la aqbali Karin in Ceerigaabo dad shacab ahi hub la dhex maraan isla markaana tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo lagu qabto.
Wasiirka ayaa,intaa ku daray in qof kasta oo dhibaato la kulma laga rabo inuu u maro dariiqa sharciga ah, halkii uu sharciga gacanta ku qaadan lahaa.
Wuxuu sidoo kale caddeeyay in amniga Ceerigaabo aaanu noqon karin mid la wiiqo, waxa uu xusay in wixii dalka intiisa kale ka reeban, Ceerigaabo na sidoo kale ay ka reeban yihiin, waxaanu ciidamada farey in ay tallaabo sharci ah ka qaadaan cid kasta oo amniga wax u dhimaysa.
Waxaanu yidhi."Marka wax dhacaan qofka waxa looga baahan yahay inuu sharciga hor yimaado, oo aanu sharciga gacanta ku qaadan, qof danbe oo magaalada hub sharci darro ah ku dhex qaata ma aqbaleyno, waxa ay boolisku amar ku qabaan in ciidamada booliska iyo ciidamada kala duwani ay tallaabo ka qaadan.
In afar qof intay qoryo soo qaataan la yidhaahdo Ceerigaabo amnigeedu wuu xun yahay cidna ka aqbali mayno, dalka intiisa kale wixii ka mabnuuc ahi Ceerigaaba na waa ka mabnuuc”