Kulan Wada-tashi iyo Soo Dhaweyn ah oo Hargeysa loogu Qabtay Waxgarad iyo Qurbo-joog ka soo Jeeda Sool

Thursday October 16, 2025 - 14:39:20
hadhwanaagnews
Xubnaha qurbajoogga ah ee Guddoomiye ku-xigeenka Mudane



Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha, Mudane Siciid Mire Faarax (Giire), ayaa shalay magaalada Hargeysa ku qabtay kulan ballaadhan oo wada-tashi iyo soo-dhaweyn ah, kaas oo uu si gaar ah ugu martiqaaday Qurbo-joog, ganacsato iyo waxgarad kasoo jeeda Gobolka Sool.

Kulankan, oo ay kasoo qaybgaleen haldoor badan oo ka tirsan bulshada reer Somaliland, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta nabadda, midnimada, wada-jirka iyo isu-soo dhawaanshiyaha bulshada walaalaha ah. Sidoo kale, waxa kulanku diiradda lagu saaray kor u qaadista wada-shaqeynta iyo is-fahamka ka dhexeeya bulshooyinka wada deggan gobolka, si loo gaadho nabad waarta iyo midnimo qaran isla markaana xal loogu helo khilaafaadka siyaasadeed ee deegaankaasi ka jira.

Xubnaha qurbajoogga ah ee Guddoomiye ku-xigeenka Mudane Siciid Mire Faarax (Giire), u sameeyay martiqaadka waxaa ka mid ahaa Foosi Maxamuud X. Nuur iyo Kanadiid Maxamed Khaawi oo ka yimid wadamada Maraykanka, Qadar, iyo Canada, isla marakaana dalka u yimid si ay qayb uga noqdaan dadaallada nabadeed, dib-u-heshiisiinta iyo xoojinta midnimada bulshada Somaliland gaar ahaa gobolka Sool.

Sidoo kale, kulanka waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Somaliland, Garyaqaanka Guud ee Qaranka, Xildhibaano, Maayir-ku-xigeenka Caasimadda Hargeysa, ganacsato iyo waxgarad kale. Guddoomiye ku-xigeenka ayaa ku bogaadiyay xubnaha doorka muuqda ee ay ku lahaayeen dhismaha nabadda iyo dib-u-heshiisiintii dalka, isaga oo hoosta ka xariiqay in mar kale looga baahan yahay inay doorkooda ka qaataan xoojinta nabadda, wadajirka iyo horumarka Bulshada iyo Guud ahaan qaranka.

Intii lagu guda jiray kulanka, waxaa si qoto dheer looga hadlay arrimo la xidhiidha horumarka nabadda iyo midnimada bulshada, iyadoo la isla qaatay in wada-hadal iyo is-qancin lagu dhameeyo khilaafaad kasta oo hore u jiray. Sidoo kale Mudane Giirre ayaa uga mahad-celiyay xubnahan sida ay uga soo qayb-galeen kulanka, isaga oo tilmaamay in wada-hadalka, isu-soo dhawaanta iyo doorka ganacsatadu ay yihiin furaha nabad waarta iyo horumar dhaqaale oo lagu gaadho midnimo qaran.

Dhinaca kale, masuuliyiintii, ganacsatadii iyo waxgaradkii kasoo qaybgalay qado-sharafta ayaa uga mahadceliyay Guddoomiye Ku-xigeenka martiqaadka, waxayna sheegeen inay diyaar u yihiin in ay kaalin muuqata ka qaataan xoojinta nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo horumarinta bulshada walaalaha ah.

     
Loading...