hadhwanaagnews
Wasiirka wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta reer miyiga Somaliland Cumar Shucayb Maxamed oo ka qayb galay Kulanka Wada-tashiga xal u helida caqabadaha ganacsiga iyo horumarinta dhoofka Xoolaha ayaa sheegay in dhaqaalaha dalku ku tiirsan yahay Xoolaha nool, taasi oo uu xusay in lagacta adag ee dalku ka soo baxdo
Waxaanu yidhi"Marka la eegayo dhaqaalaha waddanka boqolkiiba todobaatan waxa auu inaga soo galaa Xoolaha Nool”.
Kulanka wada-tashiga Caqabadaha ganacsiga iyo dhoofka xoolaha oo shalay hargaysa lagu qabtay ayaa waxa diirada lagu saarayay caqabadaha ganacsiga iyo horumarinta dhoofka Xoolaha Somaliland, kaasi oo ay khubaradu dhinacyo badan ka eegeen, sida ay caqabadaha Xoolaha haysta iyo ku dhinaca dhoofintooda.
Wasaaradda xanaanada xoolaha iyo horumarinta reer miyiga Somaliland oo kulanka soo qabaqaabsay ayaa waxa ka soo qayb galay wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha iyo horumarinta reer miyiga, wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo dalxiiska Soamliland, daneeyayaasha ganacsiga iyo aqoon yahan kale.
Wasiir Cumar Shucayb Maxmaed oo madasha kulanka wada-tashiga caqabadaha ganacsiga iyo dhoofka xoolaha ka hadlay ayaa sheegay in xoolaha Somliland yihiin laf-dhabarka dhaqaalaha dalka taasi badalkeedna ay jiraan laba caqabadood oo haysta xoolaha dalka kuwaasi oo kala ah Suuqa iibka xoolaha Somaliland iyo tan kale oo ah qaabka ama nidaamka aan wali u dhaqano xoolaha oo aan ahayn mid aan anfacaya xoolaheena maadaama ay dunida samayn wayn ay ku yeelatay isbadalka cimilada.
Wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha iyo horumarinta reer miyiga Somaliland ayaa ganacsatada dhoofka ka shaqeeya waxa uu ugu baaqay inay ka shaqeeyaan daryeelka neefka xoolaha ka hor inta aan la dhoofin ee ay ku jiraan maxjarada xoolaha lagu kaydiyo loona diyaariyo calaf xoolaad oo tayo sare ahna calafka xoolaha ee nafaqada leh si uu miisaanka neefku uu u noqdo mid sareeya.
Somaliland ayaa dadaal ugu jirta sidii xoolaha dalka loogu diyaarin lahaa calafka xoolaha oo ah nooca nafaqada leh si ay xoolaha dibada loo dhoofinayo iyo kuwa dalka gudihiisa lagu iibiyaa ay u noqdaan qaar laga shaqeeyey badqabka caafimaadka isla markasina sarayso awoodooda jidh ahaaneed maadaama xoolaha nool ay yihiin isha dhaqaale ee dalka.