Fadhigii Golaha Guurtida ee shalay oo uu shirguddoominayay Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa Mudanayaasha Golaha dood ka yeesheen Dhaqaalaha dalka. Mudanayaasha Golaha Guurtida ee ka qaybgalay dooda Dhaqaalaha ayaa ku kala aragti duwanaa ayaa Xildhibaanada qaarkood soo jeediyeen in Xukuumadda ku dhiirayo Xeerka kala daynta ganansiga.
Xildhibaan Axmed Aadan Qalinle ayaa waxa uu tilmaamay in tabcashada beeraha sidii hore ka wanaagsan tahay.Waxaana uu yidhi "Waxa aynu ka hadlaynaa qodobka Dhaqaalaha waan ku taageersanahay Xildhibaanadii iga horeeyay dhaqaalaha iyo horumarintiisa.tabcashada beeraha sidii hore way ka wanaagsantahay kala xadaynta ganacsiga,waa arin u baahan in aad looga taxadiro.waayo waxa kala horumaray ganacsatadii iyo dawladnimadii, waxaana aan soo jeedinayaa in Madaxweynuhu ku dhiirado kala xadaynta ganacsiga.oo ninka ganacsadaha aanu Berbera soo dhaafin.baabuurta waa in aanay yeelan ganacsatada ee dadka danyarta yeeshaan”.
Xildhibaan Sahal Iidle ayaa waxa uu ku dooday in dhaqaalaha uu ku xidhan yahay wax soo saarka dalka.Waxaana uu yidhi”Qodobka dhaqaalaha waa muhiim in laga hadlo,waayo dhaqaalaha waa wax nolosha taabanaya.waana xisaab ku xidhan wax soo saarka wadanka iyo shaqada.waxa aynu ognahay wadankeena dhaqaalaha waa wax soo saarid aad wax la soo baxdo.waxna aad iibgaysid waxna aad soo iibsato.hadaanu wadanka wax soo saar lahayn.waxna aanu iibgayn.waxna soo iibsan dhaqaalahaagu dhulka ayuu yaalaa,inagu waxa aynu leenahay khayraad ay ka mid yihiin xoolaha iyo Kalluunka oo beeruhu ka mid yihiin.waxaana aan boogaadinayaa warshadaha yaryar ee dalka ka jira oo wax soo saara,waxaana ay ka qaybqaadanayaan wax soo saarka wadanka”.
Sidoo kale Xildhibaan Mabduux Cismaan Sheekh Xasan ayaa waxa uu tilmaamay in loo baahanyahay in Wasaarada Maaliyadda xooga saarto dakhliga cashuuraha bariga.Waxaana uu yidhi”Si aynu sixir bararka u xakamayno korna ugu qaadno isticmaalka shilinka Somaliland.waxaana aan soo jeedinayaa in Jaamacadaha iyo dugsiyadda lagu bixiyo shilinka Somaliland.Wasaarada Maaliyada waxa aan usoo jeedinayaa in cashuuraha hoos loo dhigo.taa badalkeeda waa in xooga saaraan dakhliga cashuuraha bariga oo lacag badani ku lunto.waxaana aan usoo jedinayaa Wasaarada ganacsiga in ay ku dhiirato kala xadaynta ganacsiga.waana in la qiileeyo lacagta elegtarooniga ee bulshada ugu jirta Mobilka.lacagtaa lacag u dhiganta waa in shirkaduhu baanka dhexe dhigaan”.