ababarkan wuxuu astaan u yahay horumar la taaban karo
Waxaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyey tababar caalami ah oo la xidhiidha cudurrada Kansarka iyo sarcoma-da, kaas oo ay ka faa’iideysteen dhakhaatiir ka tirsan Hargeisa Group Hospital kana socday waaxyaha Orthopaedics, Radiology, General Surgery iyo Pathology.
Tababarkani oo ahaa kii ugu horreeyey ee noociisa ah ee lagu qabto gudaha Somaliland, ayaa lagu bixiyey aqoon heer caalami ah, waxaana dhammaadkiisii la guddoonsiiyey dhakhaatiirta ka qayb gashay shahaadooyin aqoonsi caalami ah.
Tababarkan wuxuu astaan u yahay horumar la taaban karo oo dhanka caafimaadka ah, gaar ahaan kobcinta tayada daawaynta cudurrada kansarka.
Mahad gaar ah ayaa loo jeedinayaa hay’adaha Taakulo Somaliland Community, Somaliland Orthopedic Society (SOS), iyo Australian Doctors for Africa (ADFA) oo door weyn ka qaatay hirgelinta barnaamijkan tababarka.