Awdal waa Maskaxdii dalkee haday Cadhoodaan maxaa lagu Dejiyaa?

Sunday December 07, 2025 - 09:27:20
hadhwanaagnews
Shacab weynaha Reer Somaliland ee Gobal kasta oo ay Ku sugan...

Ugu horay waxa aan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhamaan shacab weynihii Reer Somaliland ee reer Boorame ee Xasuuqa ba'an loo gaystay, intii geeriyootay Allah inuu naxariistii Jano Ka waraabiyo inta Dhaawaca ahna Allah uu noo Boogo dhayo.

Marka xigtana waxa aan canbaaraynayaa Ciidamada Qaranka ee sida Axmaqnimada leh u Laayey Shacabkoodii ay gaboodka u ahaayeen ee xabadii ay cadawga kaga difaaci lahaayeen Ku laayey, shacab weynihii Reer Somaliland ee Boorame siday cadaw yihiin.

Mar saddexaad iyo mar Afaraad iyo mar walba waanu canbaaraynayaa oo dhaleecaynaynaa falkaa Axmaqnimada lahaa ee lagula kacay shacabkii ahaa Maskaxdii Somaliland ee reer Boorame.

Shacab weynaha Reer Somaliland ee Gobal kasta oo ay Ku sugan yihiin waxa ay xaq u leeyihiin in ay shucuurtooda cabiraan, iyaga oo Ku muujinaaya dareenkooda banaan bax ama debed bax waxa ay Ka qabaan arin kasta oo lasoo darsa, waa xaq ay leeyihiin oo ayna Cidna Ka baryahayn, se waxa iyana mihiim ah in ay niyada Ku haystaan in ay Magaalooyinka iyo Dalkaba iyagu leeyihiin oo aanay Dowladi lahayn, se Dawladu tahay Dad mudo cayiman loo igmaday inay dalka maamulaan se shacabku yihiin Mulkiilayaasha dalka iyo degmooyinka leh ee loo maamulaayo, hadii adiga oo cabasho muujinaaya aad dalkii iska burburiso ama aad dab qabadsiiso, sow waxaad Ka cabanaysay wax yeelo aad is gaadhsiisay kumaad korodhsan!,

Waxa muhiim ah in uu Muwaadin kastaa ogaado Dalka inuu leeyahay waxa dul yaalana uu leeyahay oo uu dhowrto, Ku darsoo xafiisyada iyo goobaha Dowlada waxa lagu dhisay waa shilimaadkii laga uruuriyey Hooyooyinka milicda fadhiya, wax kasta oo hanti dowladeed lagu sheego waa wax Shacabku leeyahay, wixii soo gaadhana waa wax Shacabku dib u yabyabaayo maxaa yeeley marka horaba iyagaa bixiyey waxa lagu sameeyey, marka ay waxyeelo timaadana shicibkii ayuunbaa dib u yabyabaaya.

Dawladuna waa inay ogaato inay tahay shacab u adeegayaal Mudo cayiman la igmaday, markaa waa wax laga xumaado in Dawladii shacabkii igmaday wax yeelo gaadhsiiso, dawlada Jamhuuriyada Somaliland waa inay dhabarka u ridadaa masuuliyadeeda waxii Ka dhacay Degmada Boorame, maxaayeeley shacab dareenkooda cabiraaya ayaa lalaayey sidaa awgeed dhacdadaa foosha xun waxa ay masuuliyadeeda qaadanaaya Dawlada Jamhuuriyada Somaliland, waxa aan farayaa Xukuumadeena inaynu nahay dal dumuqraadi ah oo hal dheeri lagu kala baxo, sidaa awgeed waa in xukuumadu dhago u yeelato tirada badan ee Shacabku waxa ay doonayaan!, waa in la weeleeyaa aragtida iyo waxa ay doonayaan shacabka gobalada galbeedka Somaliland gaar ahaan shacabka Reer Awdal iyo sidoo kalena ah Shacabka ugu tirada badan Gobolka Sillil,
Hadal iyo Dhamaan Reer Awdalow dhibta idin gaadhay waa mid dalka oo dhan gaadhay, waana mid aanu Ka murugoonay dhibta idin gaadhay, maxaayeeley waxaad tihiin Degelkii qotomiyey ee cagaha Ku joojiyey Jamhuuriyadan Somaliland runtii waa Degelka iyo Dadka reer Awdal , waana mid maamuus, sharaf, karaamo, walaaltinimo iyo Abaal laydinku hayo ee taa ogaada walaalayaal.

Waxaan kusoo oodrogay waa halkii Abwaankeenii Weynaa ee Xasan Sheekh Muumin Allah ha u naxariistee Dab haduu Dhaxamoodo maxaa lagu Diiriyaa?

Reer Awdalna waa Maskaxdii dalkee haday Cadhoodaan maxaa lagu Dejiyaa?
Waxa ay Doonayaan
Dawladu waa inay yeeshaa.
Qadar Hooyoley
[email protected]
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...