Dab Ka kacay Hargeysa oo Lagu Guuleystay Damintiisa

Sunday August 24, 2025 - 12:32:00
hadhwanaagnews
Ciidanku waxay u yimi gurmad buuxa (full turnout), waxana ay ku guuleysteen...


Ciidanka Dabdamiska Somaliland ayaa guul weyn ka gaadhay daminta dab xoog leh oo qabsaday afar meheradood oo ku yaalla xaafadda Shacabka ee degmada 26-ka Juun, magaalada Hargeysa.

Dabkan oo ka bilowday meherad banjarlaha ah, ayaa ka dhashay haanta naqaska ee bamka ku jiray, hase yeeshee ciidanka dabdamisku waxay si degdeg ah u gaadheen goobta iyadoo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Dabdamiska iyo Samatabixinta, Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili).

Ciidanku waxay u yimi gurmad buuxa (full turnout), waxana ay ku guuleysteen inay si dhakhso ah u damiyaan dabka, ayna ka xakameeyaan inuu ku faafo meheradaha kale ee ganacsiga.

Nasiib wanaag, dabkaasi khasaare naf ah muugeysan, inkasta oo uu sababay burbur hantiyadeed.
Taliyaha Ciidanka Dabdamiska ayaa bulshada ku boorriyay
• Inay feejignaadaan oo dabka ay soo sheegaan intuu yaryahay.

• In meheradaha iyo goobaha ganacsiga lagu diyaariyo haamaha yar-yar ee dabka lagu damiyo.
• In gaadiidka dabdamiska mar kasta loo baneeyo waddooyinka.

• In meheradaha iyo alaabta lagu kaydiyo si nidaamsan oo aan khatar abuurin.

Gaba-gabadii shacabka ayaa lagu wargeliyay in haddii ay masiibo dab la kulmaan ay si degdeg ah ula soo xidhiidhaan lambarka gurmadka degdegga ah 990 ee shirkadaha Telesom iyo Somtel.
     
Loading...