Maydka Nin Ay Baddu Liqday oo Laga Soo Saaray Xeebta Magaalada Berbera

Tuesday August 26, 2025 - 14:33:43
hadhwanaagnews
Taliyaha Saldhigga Koowaad ee Ciidanka Ilaalada Xeebaha iyo ciidankiisa...
May be an image of water


Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Gobolka Saaxil ayaa soo saaray maydka nin aan wali la aqoonsan, kaasi oo ay liqday badda ku taalla agagaarka xabaalaha Saadadda ee magaalada Berbera. Alle ha u naxariisto marxuumka.

Taliyaha Saldhigga Koowaad ee Ciidanka Ilaalada Xeebaha iyo ciidankiisa ayaa si degdeg ah u tegay goobta uu maydku kasoo caaryey. Ilaa iyo hadda lama hayo aqoonsiga rasmiga ah ee marxuumka.

Sida lagu sheegay warbixinta hordhaca ah, marxuumku waxa uu ahaa nin dheereeya, da'diisuna lagu qiyaasay inta u dhaxaysa 40 ilaa 45 sano. Maydka ayaa loo gudbiyey dhakhtarka guud ee degmada Berbera si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo.
     
Loading...