Xukuumadda Somaliland iyo Warbaahinta Madaxa Bannaan oo Kulan Wada-Tashi ah Ka Yeeshay Horumarinta Qaranka iyo Ilaalinta Nabadgelyada

Tuesday August 26, 2025 - 14:36:37
hadhwanaagnews
Kulanka waxaa si rasmi ah u furay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta....


Guddida uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u magacaabay la-tashiga saxaafadda ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay qaar ka mid ah warbaahinta madaxa bannaan ee dalka, si ay uga wada hadlaan doorka saxaafaddu ku leedahay nabadgelyada, horumarka, iyo xoojinta dawladnimada.

Kulankan oo lagu qabtay wasaaradda warfaafinta Somaliland, ayaa waxaa ka qayb galay masuuliyiin heer sare ah oo ka socda xukuumadda, oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Caddaaladda, Wasiirka Madaxtooyada, iyo Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland.

Kulanka waxaa si rasmi ah u furay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, Mudane Muuse Askar Guuleed, oo tilmaamay in warbaahinta madaxa bannaan ay door weyn ku lahayd dib-u-dhiska Somaliland, isla markaana ay tahay lafdhabarta wacyigelinta bulshada iyo ilaalinta midnimada qaranka.
"Warbaahintu waa tiir ka mid ah dhismaha dawladnimada. Kulankan waxa uu fursad noo siinayaa in aan isla meel dhigno doorka ay saxaafaddu ku leedahay ilaalinta nabadgelyada, sugidda xogta saxda ah, iyo dhiirrigelinta horumarka,” ayuu yidhi Muuse Askar.

Wasiir ku xigeenku waxa uu intaa ku daray in ujeeddada ugu weyn ee kulanka ay tahay in la dhiso xidhiidh rasmi ah oo iskaashi ku saleysan, isla markaana laga wada shaqeeyo sidii looga hortegi lahaa wararka been abuurka ah iyo xasaradaha keeni kara khalkhal bulsho iyo mid siyaasadeed.

Kulankan ayaa noqonaya midkii ugu horreeyay ee noociisa ah oo u dhexeeya guddida madaxweynaha iyo warbaahinta madaxa bannaan, waana tallaabo hor leh oo muujinaysa sida xukuumaddu u danaynayso wada-tashi joogto ah oo ay la yeelato saxaafadda si loo xoojiyo isku-duubnida qaranka iyo kor u qaadidda wacyiga bulshada.
     
Loading...