Wasiirku wuxuu caddeeyay in ay lagama maarmaan tahay in adduunku...
Wasiirka Wasaaradda arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aaden (Bakaal), ayaa sheegay in iftiinka aqoonsiga Somaliland uu durba muuqdo,
isla markaana ay soo dhowdahay in caalamku si dhab ah u qirto jiritaanka Somaliland.
Wasiirku wuxuu caddeeyay in ay lagama maarmaan tahay in adduunku ka war hayo xaqiiqada dhabta ah ee Somaliland, isagoo xusay in aanay jirin sabab loo haysto oo Somaliland weli loo diido aqoonsi.
Waxaanu yidhi."Wuu inoo muuqdaa iftiinka ictiraafka Somaliland, waa in xaqiiqada dhabta ah ee Somaliland adduunyadu ka war hesho, in Somaliland aan la aqoonsan wax kiisa oo badan looma hayo.
Dhawaan waxaad maqli doontaan xidhiidho waaweyn oo Afrika gudaheeda ah, halka Mareykankuna uu ka mid yahay dalalka ugu awoodda iyo saamaynta badan adduunka,”
Hadalkan ayaa imanaya xilli Somaliland ay dedaal diblomaasiyadeed xooggan ugu jirto sidii ay u xaqiijin lahayd aqoonsi caalami ah iyo xidhiidhyo rasmi ah oo ay la yeelato dalal badan oo caalamka ka tirsan.