Wadahadallo iyo dood ka dib, waxa ii soo baxday in e-visa-du fashilmayso      
      
	
			
	
			
	"Waxa muuqata in bangiga maamulaya lacagaha e-visa-da uu Xasan Sheekh u adeegsanayo dano siyaasadeed isaga oo awooddii dawladda isticmaalaya. Waxaan dadaal u galay in magaca bangigani aanu dibadda u soo bixin oo hoos loo dhammeeyo haddii bangigu faraha kala baxo dagaalkan siyaasadda.
 
		
	Nasiib darro taasi may suuragelin. Waxaad mooddaa in bangigu afduuban yahay oo go’aanka arrinkani gacanta ugu jirin.
 
		
	Bangiga hawshan ku jiraa waa Premier Bank. Waxaan ugu baaqayaa maamulka iyo saamileyda in arrintan oo halis ku ah bangiga laftiisa ay wax ka qabtaan oo bangiga ka badbaadiyaan dagaalkan siyaasadeed ee loo isticmaalayo.
 
		
	Wadahadallo iyo dood ka dib, waxa ii soo baxday in e-visa-du fashilmayso haddii Premier Bank uu joojiyo. Bangi kale oo farsamo ama sharciyad ahaan u qaban kara lacagtan dibadda laga soo ururinayo ma jiro. Waa sababta dawladda Xasan Sheekh ugu dheggan tahay bangigan.
 
		
	Dadka macaamiisha ah ee bangiga ku xidhan (oo aan ka mid ahay) waxaan kula talinayaa inay maamulka iyo mulkiilayaasha Premier Bank ka war sugaan. Dadkii hantida lahaa intooda badani arrinkan kama war hayaan, waayo shaqadu si qarsoodi ah ayey u socotay ilaa hadda. Fadlan, fursad ha la siiyo oo aynu ka war sugno.
 
	In badan ayeynu maqli jirray yaan la siyaasadeyn ganacsiga. 
	
			
	Horena waxaynu u maqli jirray yaan la siyaasadeyn hawada. Xasan Sheekh wax walba wuu siyaasadeeyey. Wuxu u isticmaalaya "political weapon” uu kula dagaallamo Somaliland iyo cid kasta oo isaga ka soo horjeedda. Waxan ku talinayaa in arrintaa dood iyo talo laga yeesho.
 
		
” Ismaaciil Axmed
	
       
     
         AFEEF:
        Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!