"Somaliland Waxay Leedahay Macdan Caalamka Naadir Ku ah oo Sabab u Noqon Karaya in la Aqoonsado!"

Monday August 25, 2025 - 12:39:23
hadhwanaagnews
Wasiirka oo wax laga waydiiyay wareegto dhawaan ka soo baxday xafiiskiisa



Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Eng Axmed Jaamac Barre, ayaa sheegay in Somaliland ay qani ku tahay macdano kala duwan oo caalamka oo dhan naadir ku ah, isla markaana sabab u noqonaya in la aqoonsado oo ay Somaliland dalalka adduunka ku soo jiidato khayraadkeeda dihin.

Waxaanu intaa ku daray Eng Axmed Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland in Maraykanku uu ka mid yahay dalalka baadigoobka ugu jira macdanahaa dunida naadirka ku ah ee Somaliland qaniga ku tahay, taas oo sabab u noqonaysa in USA ay aqoonsato Somaliland. Waxaa kale oo uu iftiimiyay Wasiirku in shidaalka Somaliland oo sahamintiisii lagu guulaystay in ay qorshaynayaan in sannadka dambe dhammaadkiisa ceelashii ugu horreeyay ee tijaabada ahaa in la qodo.

Waxaanu Wasiir Eng Axmed Jaamac Barre sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyay wargeyska Dawan. Wasiirka oo la waydiiyay macdanta Somaliland leedahay ee caalamka naadirka ku ah isla markaana sabab u noqon karta in dalalka adduunku xidhiidhka iyo aqoonsiga Somaliland ay ku soo dhiiradaan, ayaa ku jawaabay. "Somalland waxay qani ku tahay oo uu dalkeenu leeyahay macdanaha naadirka ah ee loo yaqaan Kirictical Minarales ee adduunku raadinayo, markaa macdanahaa la raadinayo ee naadirka ku ah dunida ee Somaliland qaniga ku tahay, dalalka hormuudka u ah ee raadinaya ayuu Maraykankuna kow ka yahay, markaa khayraadka Somaliland ay leedahay waa mid sabab u noqon kara in caalamku ku soo xidhmo una tartamaan sidii ay ugu kala horrayn lahaayeen aqoonsigeeda, sababta oo ah dalka ugu hor aqoonada qarannimadeenu waddamada kale wuu inooga dhawaanaya, waana sababta hadda Maraykanka iyo Somaliland isugu soo dhawaanayaan.

Dalkeenu wuxuu leeyahay illaa todoba macdanood oo caalamka naadir ku ah oo uu qani ku yahay dalkeenu, waana ta sababta u noqonaysa tartanka ku salaysan in xidhiidhka Somaliland ay dalalka adduunku u soo kala dheeraynayaan.”

Wasiirka oo wax laga waydiiyay wareegto dhawaan ka soo baxday xafiiskiisa oo la xidhiidhay sida dahabka dalka laga soo saaro loogu dhoofin karo dibada ayaa ku jawaabay. "Dahabku waa mid ka mid ah khayraadka macdanta ee aynu haysano, isla markaana hadda aad loogu hawlan yahay la soo bixistiisa, gaar ahaan gobolada Awdal iyo Sanaag, markaa wareegtadu waxna uma dhimayso dhoofinta dahabkeena laakiin waxay la xidhiidhay uun sifaha sharciga ah ee uu dalka kaga baxayo oo ah inta aanu gaadhin iridaha dibeda u baxa ee Madaarka caalamiga ah ee Cigaal ee Hargeysa in la hubiyo in horta cidda diraysaana in ay haystao liisankii ka ganacsiga dahabka iyo waraaqihii sharciga ahaa ee uu dahabkaasi dalka kaga baxayay, waxaanan ka hor tegaynaa uun in dahabka dalka ka baxayaa meelo qaldan uu maro oo aan ahayn illinka sharciga ah ee Madaarka.”

Wasiirka oo wax laga waydiiyay sahamintii shidaalka Somaliland iyo halkii ay ku dambsay, ayaa yidhi. "Sahaminta shidaalka dalku meel fiican ayaa la soo gaadhsiiyay oo hadda waa la hayaa meel kasta oo shidaal ku jiro waana xog kaydsan, waxaana loo baahan yahay oo keliya hadda in la soo saaro tijaabadii ugu horraysay waxaana taasi ay ku xidhan tahay sida looga hawl galo, qorshuhuna wuxuu yahay in sannadka dambe dhammaadkiisa ama ka ku xiga bilawgiisa in la soo saaro ceelashii ugu horreeyay ee tijaabada ahaa, sababtoo ah riigga qodaya shidaalka ayaa laga yaabaa in uu innagu soo gaadho lix bilood, waxaa kale oo iyaduna haw kale ah in shirkadda heshiiska aad la soo gelaysaa in ay muddo raadiso oo sannad ku dhawaad bay ku qaadato, markaa hawshaasi waxay noo qorshaysan tahay sannadka dambe dhammaadkiisa ama ka ku xiga bilawgiisa in ay biaabanto.”

Ugu dambayn wasiirka oo wax laga waydiiyay dhawr sanno ka hor koonfurta Hargeysa oo ceel biyo laga qodayay la sheegay in shidaal laga helay arrinkaa xaqiiqadiisa iyo halka ay ku dambaysay, ayaa ku jawaabay. "Arrintaa way jirtay oo wasiirkii xilligaa joogayna wuu ka hawl galay deegaanka Baha-dhamal oo marka horeba ka mid ahaa deegaanada sahanka laga qaaday ee shidaalka laga helay oo ka tirsan baloog Oodweyne ah ayay ahayd markii ceel biyoodkii la qodayay shidaal in laga helay iyo in kale in la kala hubiyo ayay noqotay dareerihii laga helay in shaybaadh loo diro oo la soo baadho, jawaabtiina waxay noqotay in shidaal uu yahay waxa laga helay balse xadiga ku jira inta uu leeg yahay ayaa iyana hubin kale u baahan waana goob marka horeba ka mid ahayd gooba diiwaan gashan ee Janel Energy ay sahaminta ku samaysay oo ka tirsan baloogga Oodwayne, waxaana sannadka dambe dhammaadkiisa inoogu soo horrayn doona insha allah Xood oo ka tirsan gobolka Togdheer iyo Oodweyne in laga soo saaro tijaabada ugu horraysa ee shidaalka.”

     
Loading...