HADHWANAAGNEWS
Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim,
[A.S.C.W.R.W.B] Tu Khaas Ahna,
Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.
1-Mid Qudhaynu Nahayo,
Ma Jiraan Mucaarideh,
Mawjadah Rogmanaya,
Muuqina Into Qarisaan,
Miyirsado Isdhawrtaan,
Ka Muquurta Xoogooda.
1-Macaluushay Dacawdu,
Meelay Macal Ku Barate,
Mucaaridkii U Danbeeya,
Meel Daran Ina Geeyayo,
Melefkaas Inaga Xidhay,
Dadku Way Ka Maarmeen.
3-Muranse Wuxu Ka Jooga,
Maamulka Ismahadshoo,
Meerskuu Inoo Tulaybuu,
Madaxa Sare U Taagayoo,
Maya Aan La Odhankarin,
Muranada U Dhego Nugul.
4-Musbaaraa Ku Hoos Jira,
Madaxdana Sinaantooda,
Miisaanka Wada Saara Oo,
Mid Hadduu Saluug Muujo,
Mahuraan Ha Baadheeno,
Maamuus Ha Lagu Sooro.
5-Mudacyada Afkood Weeye,
Maan Rag Lagu Mataalaye,
Marku Muranku Dheerado,
Maaro Goorta Loo Waayuh,
Madasha Laysku Keenaayo,
Muduci Iyo Madaacalayda.
Ismail Abdillahi Handuleh.
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!