Wasiirka Waxbarashada Somaliland oo Heshiis Isfaham la Saxeexday Shirkadda Alef Education ee Imaaraadka

Tuesday August 26, 2025 - 14:31:03
hadhwanaagnews
Alef Education waa shirkad ku takhasustay tignoolajiyada waxbarashada, ...
May be an image of 6 people and suit


Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska Somaliland, Prof. Ismaaciil Ducaale Yuusuf, ayaa heshiis isfaham (MoU) la saxeexday shirkadda caalamiga ah ee Alef Education, oo fadhigeedu yahay Abu Dhabi, Imaaraadka Carabta.

Heshiiskan oo lagu horumarinayo waxbarashada Somaliland, gaar ahaan dhinacyada tignoolajiyada iyo adeegyada casriga ah, ayaa dhacay xilli uu Wasiirku ku sugan yahay safar shaqo oo rasmi ah.
Kulanka lagu kala saxeexday heshiiska waxa hoggaaminayay Agaasimaha guud ee Alef Education, Mr. Geoffrey Alphonso.

Heshiiskan ayaa daba socda booqashadii Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cirro uu dhawaan ku tagay Imaaraadka, taas oo keentay iskaashi dhow oo labada dhinac ah, oo ay ka mid tahay hirgelinta Isbitaalka weyn ee Burco.

Alef Education waa shirkad ku takhasustay tignoolajiyada waxbarashada, kana hawlgasha dalal badan oo ay ka mid yihiin Maraykanka, Indonesia, Morocco, Sacuudi Carabiya iyo Masar, iyadoo adeeggeeda gaadhsiisay in ka badan 1.6 milyan oo arday. Heshiiskan cusub ayaa la filayaa inuu si weyn uga qayb qaato tayaynta waxbarashada Somaliland, iyadoo taageero la siin doono ardayda, macallimiinta iyo nidaamka maamul ee waxbarashada.
May be an image of 4 people and text
May be an image of 5 people
May be an image of 5 people and table
May be an image of 4 people and text that says '--lai'
May be an image of 4 people and text


     
Loading...