Isbeddelo Siyaasadeed oo Waaweyn oo Ka Socda Somaliland iyo Muhiimaddeeda Istiraatiijiga ah oo Kordhaysa

Saturday April 04, 2026 - 08:30:35
hadhwanaagnews
Sidoo kale, waddada Berbera Corridor ayaa dekedda


Warbaahinta Horn Vision ayaa sheegtay in isbeddelo siyaasadeed oo waaweyn ay ka socdaan Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaas oo sababay in waddamada adduunka iyo quwadaha caalamku dib u eegaan qorshayaashooda ku aaddan muhiimadda Somaliland. Xilligan, Somaliland waxaa loo arkaa xarun istiraatiiji ah oo sii kordhaysa saamaynteeda caalamiga ah.


 

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in Somaliland aysan ahayn oo kaliya dal raadinaya aqoonsi caalami ah, balse ay noqotay xarun cusub oo istiraatiiji ah oo dunidu si weyn ugu baahan tahay, gaar ahaan marka la eego juqraafi ahaan iyo xasilloonida ay ku naaloonayso gobolka.


 

Sidoo kale, warbixintu waxay diiradda saartay mashaariicda waaweyn ee ka socda magaalada Berbera, kuwaas oo dekedda u beddelay xarun ganacsi oo caalami ah iyo goob istiraatiiji ah oo muhiim u ah dhaqaalaha adduunka. Waxaa la xusay in quwadaha caalamku ay wax ka beddelayaan qorshayaashooda istiraatiijiyadeed, iyagoo si gaar ah diiradda u saaraya Somaliland iyo marinada muhiimka ah ee ganacsiga, halkaas oo Berbera ay noqotay deked bixisa marin nabdoon oo muhiim u ah ganacsiga iyo amniga caalamiga ah.


 

Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in Somaliland, inkastoo aan si rasmi ah uga muuqan inta badan khariidadaha siyaasadeed ee adduunka, ay leedahay awood juqraafiyeed iyo xasillooni siyaasadeed oo ka dhigaysa fure istiraatiiji ah oo dunidu u baahan tahay. Muddo ka badan 30 sano, Somaliland waxay ku naaloonaysay nabadgelyo iyo nidaam dawladnimo oo u gaar ah.


 

Intaa waxaa dheer, warbixintu waxay xustay in horumarka iyo mashaariicda istiraatiijiga ah ee Berbera ay Somaliland ka dhigeen ciyaaryahan muhiim ah oo ka dhex muuqda saaxadda siyaasadda iyo ganacsiga caalamiga ah, isla markaana aan la iska indho tiri karin. Ballaadhinta dekedda oo ay maalgelisay shirkadda DP World iyo aasaaska aagga dhaqaalaha ee cashuuraha ka caagan (Berbera Economic Zone) ayaa si weyn u kordhiyey awoodda ganacsi ee dekedda.


 

Sidoo kale, waddada Berbera Corridor ayaa dekedda si toos ah ugu xidhaysa Itoobiya, oo ah mid ka mid ah dalalka ugu dadka badan Afrika ee aan lahayn bad, taas oo sii xoojinaysa muhiimadda dhaqaale iyo istiraatiiji ee Somaliland.

 

Warbixintu waxay

 intaas ku dartay in quwadaha caalamiga ahi ay hadda raadinayaan marinno cusub oo ammaan ah, gaar ahaan marka ay jiraan khataro ka jira marinada muhiimka ah sida Marinka Hormuz ee Gacanka Faaris. Sidaas darteed, indhaha caalamku waxay ku soo jeesteen xeebaha dheer ee nabadda ah ee Somaliland ee ku teedsan Gacanka Cadmeed.


 

Ugu dambayn, warbixintu waxay tilmaamaysaa in soo bixitaanka Somaliland uu la xidhiidho juqraafi, awood iyo dib-u-qaabaynta khariidadda caalamiga ah, iyadoo la filayo in mustaqbalka dhow ay noqoto xarun muhiim u ah amniga, ganacsiga iyo siyaasadda gobolka Geeska Afrika.



     
Loading...