Jaaliyadda Somaliland ee UK oo Taageero Culus u Muujisay Senator Ted Cruz iyo Dadaallada Ictiraaf Raadinta

Tuesday August 26, 2025 - 14:14:53
hadhwanaagnews
Waxay sheegeen in hadalkiisa uu u ahaa dhiirigelin cusub ...


Jaaliyadda Somaliland ee dalka Ingiriiska ayaa si buuxda u muujisay taageeradooda Senator Ted Cruz, oo ka tirsan Aqalka Sare ee Maraykanka, kadib hadal uu dhawaan kaga baaqay in dawladda Mareykanku ay si rasmi ah u aqoonsato madaxbannaanida Somaliland.

Senator Cruz ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Mareykanka in uu si geesinimo leh u qaado tallaabo lagu garab istaagayo qadiyadda Somaliland.

Jaaliyadda Somaliland ee UK ayaa u dirtay tahniyad iyo hambalyo rasmi ah Senator Cruz, iyagoo si weyn u ammaanay doorkiisa siyaasadeed ee uu ka qaatay arrinta aqoonsiga.

Waxay sheegeen in hadalkiisa uu u ahaa dhiirigelin cusub halganka muddada dheer ee Somaliland ugu jirtay inay hesho aqoonsi caalami ah.

"Waxaanu garab taaganahay Senator Ted Cruz, waxaana u aragnaa inuu yahay saaxiib dhab ah oo u istaagay xaqa shacabka Somaliland. Hadalkiisa waxa uu shidaal ku shubay qadiyadda ictiraafka ee caalamka hortiisa taalla," ayaa sheegeen

Sidoo kale, jaaliyaddu waxay si gaar ah u bogaadiyeen xildhibaanada Baarlamaanka UK ee taageeraya aqoonsiga Somaliland, kuwaas oo ay sheegeen in ay dadaallo muuqda ugu jiraan sidii dunida loogu muujin lahaa xaqa Somaliland ay u leedahay inay noqoto dal madax-bannaan.

Waxay sidoo kale ammaan u jeediyeen cid kasta siyaasi, hay’ad, iyo muwaadin oo ka garawsan xaqa shacabka Somaliland ay u leeyihiin in la aqoonsado, una istaaga sidii qaddiyaddaasi u gaadhi lahayd guul dhab ah.
     
Loading...