Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland oo Qaabilay Wasiirka Jabuuti

Tuesday August 26, 2025 - 14:23:57
hadhwanaagnews
Kulanka ayaa lagu falanqeeyay xoojinta iskaashiga ganacsi
 
May be an image of 5 people, suit and eyewear

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur, ayaa maanta si weyn xafiiskiisa ugu soo dhaweeyay dhiggiisa Jabuuti, Mudane Maxamed Warsame Diiriye, iyo wefti uu hoggaaminayo.

Kulanka ayaa lagu falanqeeyay xoojinta iskaashiga ganacsi iyo dalxiis ee labada dal.
Labada wasiir waxay isla qaateen in la dardargeliyo wada shaqaynta dhinacyada ganacsiga, dhaqaalaha, suuq-geynta iyo fududeynta isu socodka ganacsiga.

Wasiir Cabdiraxmaan ayaa sheegay in xidhiidhka ganacsi ee u dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti uu yahay mid istaraatiiji ah, kuna saleysan derisnimo, taariikh iyo dan guud oo dhaqaale.

Wuxuu hoosta ka xarriiqay in Somaliland ay diyaar u tahay kor u qaadista iskaashiga labada dal.
     
Loading...