Intii aan faham buuxa laga haysan dagaal siyaasadeedyada iyo loolanka
Laga soo bilaabo sanadkii 2010kii waxaa nidaamka dawladnimada Jamhuuriyada Somaliland ka soo dhex muuqday hirdan iyo kooxeysi, kaasi oo nuxurkiisu ku soo ururayo inay nidaamka dawladnimada ku dhex loolamayaan kooxo danahoogu kala duwan yihiin .
Intii aan faham buuxa laga haysan dagaal siyaasadeedyada iyo loolanka hogaaminta qaranka kaalinta ay ku leeyihiin kooxo diimeedyada kala aragtida duwani waxa uun la moodayey damac siyaasadeed laakiin hadda wax badan ayaa muuqday.
Arimaha yaabka leh waxaa ka mid ah in kooxaha qaar aaney aaminsaneynba dalka iyo dawladnimada ay ku dhex macaasheen, badhaadheen ee magaca iyo maamuuska ku heleen.
Waxa kale oo layaab leh in xayndaabka dawladnimada Jamhuuriyada somaliland dano ka fog ama ka baxsan ururo leh uu dhaqaalaha iyo talada dalka ay ku leeyihiin awoodo aan la dafiri karin.
Digniin
1-Waxa aan ka digayaa in hay'adaha qaranka ee xasaasiga ahi gacanta u galaan ururada iyo kooxaha aynu aragnay hirdankooga kaasi oo sabab u noqon kara in dawladnimada gudaheega lagu kala aargoosto oo uu inoo horseedo dagaalo iyo murug siyaasaseed oo aynu daweyn kari wayno..
2- In laga ilaaliyo axsaabta siyaasada iyo goleyaasha qaranka sida golaha wasiirada, wakiilada,deegaanka iyo guurtidu u noqdaan dhufeys kooxahaasi is hayaa ka dagaalamaan.
3- In xukuumadu xafiisyadeeda diblomaasiyada, amaanka iyo aqoonsi raadinta aad u ilaaliso maadaama ay muuqato cadaawadaha iyo dagaalka qaranka jamhuuriyada somaliland lagula jiro ee wajiyada badan.
4- In si dhab ah loogu baraarugo dhaqaalaha dalka iyo siyaasadiisu cida gacanta ku haysa iyo ficiladeeda.
5- In madaxda ciidamada dawlada laga ilaaliyo ku milanka iyo kooxeysiga urur diimeedyada dalka ka jira iyo kuwa aduunka ka jiraba si aynaan maamulka iyo dawladnimadeenu halis u galin.
6- In xiligani oo Jamhuuriyada Somaliland wax weyni u soo socdo la adkeeyo amniga dalka, amniga siyaasada, lagana dheeraado khilaafyada gudaheena ee la soo waaridey.
Mohamed Abdi Jama
Dhimbiil Mohamed