Xukuumadda oo Horumar Muuqda ka Gaadhay Diblumaasiyada iyo Siyaasadda Arrimaha Dibada

Thursday August 21, 2025 - 11:50:45
hadhwanaagnews
Waxaa sidoo kale muuqata in Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ...



Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Somaliland ee Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad, ayaa si xooggan uga soo muuqanaysa fagaarayaasha siyaasadda caalamiga ah, iyadoo door muuqda ka ciyaaraysa goobo diblumaasiyadeed oo muhiim ah iyo golayaasha saamaynta ku leh jaan-goynta siyaasadda dunida. Dadaallada joogtada ah ee wasaaradda ayaa horseeday in codka Somaliland si cad oo joogto ah loogu dhegaysto fagaarayaasha beesha caalamka, gaar ahaan dalalka awoodda leh iyo hay’adaha caalamiga ah. Tani waxay caddeyn u tahay in Somaliland ay ku socoto waddo siyaasadeed oo hufan isla markaana si xeeladeysan u iibgeynaysa himiladeeda qaranimo.

Waxaa sidoo kale muuqata in Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, oo ay hormood u tahay wasaaradda arrimaha dibaddu ay qaaday hawl-gallo waaweyn iyo olole caalami ah oo lagu xaqiijinayo madax-bannaanida JSL, kuwaas oo ku dhisan hawl-gallo qorshaysan oo ku dhisan nidaam xeeladaysan oo ah "hadal-yar iyo hawl-badan”, iyadoo ka faa’iidaysanaysa xasilloonida siyaasadeed ee ay ku naaloonayso, taas oo ka duwan dalalka kale ee Bariga Afrika oo lagu tilmaamo inay ku jiraan xaalado siyaasadeed oo qalalaase iyo hubanti la’aan ah.

Xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka:

Taageerada uu dhawaan muujiyey Senator Ted Cruz oo ka tirsan Aqalka Sare ee Maraykanka ayaa si cad u muujisay heerka midho dhalka ah ee ay ay gaadhay qaddiyada madax-bannaanida Somaliland. Baaqii dhawaan ee xildhibaan Ted Cruz iyo hadalkii ka soo yeedhay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee ku saabsan aqoonsiga Somaliland wuxuu astaan u yahay in codka Somalialnd uu si rasmi ah u gaadhay xarunta go’aan-qaadashada siyaasadda ee Washington. Tani waa guul siyaasadeed oo muhiim ah, maadaama Maraykanku yahay awoodda ugu weyn ee saamaynta ku leh siyaasadda caalamiga ah.

Istiraatiijiyadda Somaliland ee Amniga Gobolka:

Somaliland waxay ku taallaa goob istiraatiiji ah oo muhiim u ah Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo marinada ganacsiga caalamiga ah. Xasilloonideeda siyaasadeed iyo doorka ay ka qaadato arrimaha amniga ayaa ka dhigaya xulafo muhiim ah oo lagu kalsoonaan karo, isla markaana ay si cad ugu tiirsan karaan Maraykanka iyo dalalka reer Galbeedku. Tani waxay si gaar ah muhiim ugu tahay la dagaallanka argagixisada, xoojinta nabadgelyada, iyo ilaalinta maraakiibta ka ganacsata marin-biyoodka Bab al-Mandab iyo Gacanka Cadmeed.

Codka Caalamka iyo Fursadaha Cusub:

Waddamada Beesha caalamka, gaar ahaan quwadaha waaweyn sida Maraykanka, Ingiriiska iyo dalalka kale ee reer Galbeedka, ayaa muujiyay xiisahooda sii kordhaya ee ay u qabaan iskaashi rasmi ah oo ay la yeeshaan Somaliland. Dalalkan iyo hay’adaha caalamiga ahi waxay si cad u muujiyeen doonistooda ku aaddan iskaashi istiraatiiji ah, halka waddamo kale oo gobolka ahi ay si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqa aqoonsiga Somaliland ee sii xoogaysanaya. Fursadahan cusub waxay Somaliland u fureen waddo ay ku hesho garab siyaasadeed oo ka ballaadhan heer goboleed, isla markaana u gogol xaadhaya inay si rasmi ah uga mid noqoto beesha caalamka.

Hadal-yar iyo Hawl-badan

Xukuumadda Somaliland waxay ka fogaatay hannaanka ku dhisan buunbuuninta iyo buuq siyaasadeed oo madhalays ah, waxaanay doorbiday in ay xoogga saarto olole caalami ah oo si xirfad iyo aqoon ku dhisan loogu wajahayo xaqiijinta madax-bannaanida qaranka iyo raadinta aqoonsiga buuxa ee beesha caalamka. Habkan oo lagu tilmaami karo hannaan diblumaasiyadeed oo ku salaysan "hadal yar iyo hawl badan” ayaa noqday astaan muujinaysa aragti fog iyo miisaan siyaasadeed.

Sidoo kale, Somaliland waxay si cad u soo bandhigtay in ay tahay qaran dhistay dowladnimo dimuqraadi ah oo ku dhisan doorashooyin xor iyo xalaal ah, maamul hufan oo daahfuran, iyo bulsho leh is-qaddarin siyaasadeed. Xeeldheerida siyaasadeed ee ku dhisan "hadal yar iyo hawl badan” ayaa noqotay tiir lagu kasbado kalsoonida beesha caalamka, taas oo maanta midho-dhalkeedii si cad u muuqdo.

Gunaanad

Aqoonsiga Somaliland waxa uu galay weji cusub oo saamayn togan ku yeeshay siyaasadda caalamiga ah. Taageerada ka imanayasa Maraykanka, xiisaha isa soo taraya ee gobolka, iyo xasilloonida gudaha ee dalka ayaa si cad u muujinaya in Jamhuuriyadda Somaliland ay haysato fursad taariikhi ah oo ay ku xaqiijiso himiladeeda qarannimo. Wasaaradda arrimaha dibada oo ku dhaqmaysa istiraatiijiyadda halku dhiggii aynu soo sheegnay ee "hadal-yar, hawl-badan” ayaa si joogto ah ugu tallaabsanaysa jidka xaqiijinta riyadeeda qaran.

     
Loading...