Dhinaca siyaasadda, tallaabadan ayaa sidoo kale ka tarjumeysa...
Booqashada waftiga ballaadhan ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), u xilsaarey qiimaynta iyo odoroska dhismaha cisbitaal weyn oo laga hirgelinayo magaalada Burco, waxay muujineysaa hoggaamin hufan, mas’uuliyad dhab ah, iyo go’aan qaadasho ku saleysan baahiyaha dhabta ah ee bulshada. Madaxweyne Cirro wuxuu si cad u muujiyey in qorshayaasha horumarineed aanay ahayn kaliya balanqaad siyaasadeed oo hadal ah, balse ay yihiin tallaabooyin la taaban karo oo lagu gaadhi karo isbeddel muuqda.
Dhinaca siyaasadda, tallaabadan ayaa sidoo kale ka tarjumeysa sida Madaxweynaha ay uga go’an tahay xoojinta adeegyada aasaasiga ah, gaar ahaan caafimaadka, taas oo ah tiir muhiim u ah xasilloonida iyo horumarka guud ee dalka. Waxay kaloo caddeyn u tahay sida hoggaamintiisu ay uga go’an tahay in la gaadho himilooyinka waaweyn ee bulshada Somaliland, iyada oo la adeegsanayo khubaro iyo hay’ado kala duwan oo heer qaran ah.
Mashruuca cisbitaalka cusub ee Burco ayaa noqon doona tusaale ifaya oo muujinaya sida hoggaanka dawladda uu uga jawaabayo baahiyaha bulshada, iyadoo laga fogaanayo musuqmaasuqa iyo hufnaan la’aanta. Waxa uu Madaxweynaha Cirro si cad u muujiyey in horumarka caafimaadka uu yahay mudnaanta koowaad ee dowladdiisa, taasoo dhiirrigelinaysa kalsoonida shacabka iyo taageerada ballaadhan ee ay u hayaan hogaamintiisa.
Waxqabadkan joogtada ah iyo qorshayaasha cadcad ee dhanka horumarinta ayaa ka dhigaya Madaxweyne Cirro hoggaamiye ka duwan kuwii hore, isagoo xambaarsan rajo iyo himilooyin cusub oo ku wajahan mustaqbal ifaya oo Somaliland leedahay. Waxaan ku boorinaynaa shacabka reer Somaliland inay garwaaqsadaan muhiimadda hoggaamintan wax-ku-oolka ah, isla markaana ay si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii loo gaadhi lahaa horumar waara oo dalka ka hirgala.