Qulqulka Oromada: Somaliland Sidee U Maareyn Karta? Daahir Cabdi Ciise (CAMEY)

Thursday August 28, 2025 - 14:48:03
hadhwanaagnews
A. Sheegashada ku soo baxday baraha bulshada

Qoomiyadda Oromada waa qoomiyad aad u ballaadhan oo ka mid ah kuwa ugu tiro badan Bariga Afrika. Sanadihii u dambeeyey, xaaladaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee Itoobiya ayaa sababay in kumannaan dhalinyaro ah oo Oromo ahi ay dhinaca Somaliland u soo hayaamaan. Waxaa lagu qiyaasayaa in maanta ku dhowaad 20,000 oo qof oo Oromo ahi ay ku nool yihiin gudaha Somaliland, gaar ahaan magaalooyinka waaweyn iyo meelaha xadka ku dhow.

Sida bulsho kasta oo kale, Oromaduna waxay isku dayaan in ay dhistaan deegaan iyo nolol cusub. Laakiin Somaliland waa qaran dhisan, leh xuduud iyo shacab u baahan in la ilaaliyo xuquuqdooda iyo karaamadooda. Sidaa darteed, waa lagama maarmaan in xukuumaddu arrintan ku eegto aragti dheer, si loo ilaaliyo danaha qaranka iyo midnimada shacabka.

A. Sheegashada ku soo baxday baraha bulshada

Maalmihii u dambeeyey, waxa baraha bulshada hadal hayn weyn ka abuuray qoraal uu Facebook ku faafiyey wiil dhalinyaro ah oo Oromo ah. Qoraalkaas ayuu ku sheegay in magaalada Hargeysa ahayd meel taariikhi ah oo Oromo badani ku barbareen, isla markaana halkaas ka dhiseen nolol iyo waxbarasho. Waxa kale oo uu ku dooday in Hargeysa muddo qarniyo ah ahayd xarun ganacsi iyo dhaqan oo ay qoomiyado kala duwan isugu yimaadeen, isagoo ku adkaystay in magaalada xidid ku leedahay taariikhda Oromada.

Qoraalkaasi waxa uu keenay dood badan; qaar ka mid ah dadka Somaliland ayaa u arkay sheegasho aan sal lahayn, halka qaar kale ay ku tilmaameen isku day lagu muujinayo xidhiidh cusub oo Oromada lagu xiro caasimadda Somaliland.

B. Xaqiiqooyinka taariikhiga ah

Taariikhyahanno badan ayaa isku raacsan in Hargeysa ahayd xarun ganacsi oo isku xidhi jirtay Carabta, Soomaalida iyo qoomiyado kale, balse aanay marnaba qayb ka noqon boqortooyooyin Oromo. Waa run in dad Oromo ahi ay ka mid ahaayeen dadka ganacsiga iyo nolosha magaalada ku jiray, balse sheegashada ah in Hargeysa si gaar ah ugu xidhan tahay taariikhda Oromada weli caddayn laguma hayo.

C. Waajibaadka xukuumadda Somaliland

Maanta, dadka Oromo ee ku sugan gudaha Somaliland waa qaxooti iyo shaqaale ka faa’iidaysanaya fursadaha nololeed ee dalka. Laakiin xaaladdan waxa ku lammaan dhinac kale oo siyaasadeed iyo amni. Sidaas awgeed, xukuumadda Somaliland waxaa ku waajib ah.

• Inay ka feejignaato sheegasho kasta oo dhaawici karta qarannimada iyo midnimada dhuleed ee Somaliland.

• Inay samayso siyaasad cad oo lagu maareeyo qulqulka dadka ku imanaya xadka Itoobiya, si looga hortago caqabado mustaqbalka ka dhalan kara.

Gabagabo

Qulqulka Oromada ee ku sii qulqulaya gudaha Somaliland waa arrin aan indhaha laga qabsan karin.
sheegasho siyaasadeed oo carqaladayn karta qarannimada Somaliland.

Somaliland waa qaran dhisan, leh xuduud iyo shacab u baahan ilaalin iyo difaac joogto ah. Sidaa darteed, waxaa ku waajib ah xukuumadda iyo shacabka Somaliland in ay arrintan u wajahaan si feejigan, iyagoo isku dheelitirinaya masuuliyadda bani’aadannimo ee ay u leeyihiin qaxootiga iyo masuuliyadda qaranimo ee ay u leeyihiin dalkooda.

Oromadu waa bulsho deris ah oo aan marnaba laga maarmi karin xidhiidhkeedda dhaqaale iyo bulsho, laakiin waa in la caddeeyaa in Somaliland leedahay taariikh u gaar ah iyo jiritaan aan cid kale ku biirsan karin. Siyaasad qaran oo cad ayaa lagama maarmaan u ah ilaalinta mustaqbalka, si looga hortago khatar kasta oo iman karta.

Somaliland waxa ay ku guulaysan doontaa mustaqbalkeeda haddii ay danta shacabka iyo ilaalinta qarannimada ka hormariso doodaha iyo sheegashooyinka aan salka lahayn ee ku soo baxa baraha bulshada.

Daahir Cabdi ciise
[email protected]
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...