ALLE ha u naxariistee waxaa shalay aas qaran lagu sagootiyay Abaandulihii hore ee Ciidanka Illaalada Xeebaha Somaliland,Marxuum Gaashaanle sare Aadan Axmed Mooge (Kanadi), oo dhawaan ku geeriyooday dalka Hindiya
Aaska Qaran ee lagu sagootiyay ALLE ha u naxariistee Marxuum Gaashaanle sare Kanadi waxa ka qayb galey wasiirada wasaaradaha arrimaha Gudaha iyo duulista Hawada, taliyeyaasha Ciidamada Booliska, Badda, Asluubta, abaandulaha Ciidanka Qaranka JSL, guddoomiyaha Gobolka Selel,saraakiisha kala duwan ee Ciidanka Illaalada Xeebaha Iyo dadweyne tiro badan
Masuuliyiinta kala duwan ee ka qayb galay aaska Marxuumka,ayaa ku tilmaamay marxuum Aadan geesi waddani ah oo door weyn ku lahaa dhismaha iyo horumarinta Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland, isagoo muddadii uu xilka hayay si hufan ugu adeegay dalkiisa.
Masuuliyiintii iyo dadweynihii ka qayb galey ayaa Marxuumka,ayaa ALLE uga baryey inuu u naxariisto, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyskii, ehelkii, iyo guud ahaan shacabka Somaliland.