Sidee ayaa u yeelan karaa basarka ciidanka iyo foojignaanta sirdoonka?

Saturday August 23, 2025 - 14:36:52
hadhwanaagnews
Bal ka fikir taas, raggan iyo dumarkani waxaa loo diyaariyay....

Si aad u yeelato basarka (discipline) ciidanka oo kale, tayadda ugu muhiimsani waa go'aanka.
Go'aan-adayga ama niddarka ay muujiyaan askartu marka ay tababbarka iyo dagaalka ku jiraan , waa ka dhigaaya inay lahaadaan edbin/ basar wayn.

Waxay leeyihiin sabab ka wayn silica iyo xanuunka ay marayaan maalin kasta , taasi oo keentay inay halkaasi ay joogaan oo ay adkeystaan.

Si kasta ha ahaatee, waa inaad fahantaa, inay badi dadka kusoo biira ciidanka , ay ka tagaan inta lagu gudajiro tababbarka, sababta oo ah heerka go'aan-adayg ee aad leedahay, kaasi oo aad ku muujinayso inaad cagaha dhulka kusii haysid, maaha mid qof kasta oo kuso biira uu muujin karo.

Bal ka fikir taas, raggan iyo dumarkani waxaa loo diyaariyay inay u dhintaan waxa ay rumaysan yihiin ... Dabcanna waa kuwo niddar galay. Taasi waa sababta tababbarkooddu u naxariisdaran yahay oo u adag yahay, si meesha looga saaro kuwa aan lahayn sababo xooggan oo ka dambeeya inay hawshan qabtaan.

Haddii aannu jirin niddarkaa adagi, may jirteen sabab ay u yeeshaan anshax ama basar , sabab ay hore ugu kacaan subixii , isla markaana ay u gutaan jimicsiyadda adag ee xanuunka leh, ee ay siinayaan macallimiintooddu.

Haddii aad rabto inaad yeelato edbin/ basar la mid ah ta ciidanka , waa inaad leedahay sababo qiimo leh oo ugu hureyso, adiga oo ku xidhaaya caadooyinkaaga.

Ragga iyo dumarka ciidanka ihi subax walba way kacaan. Waxa ay sameeyeen wixii ay madaxddu ku amraan inay sameeyaan.waxayna ku daddaalayaan sidii riyooyinkoodda u dhammaystiri lahaayeen taasina in la edbiyo waxay u tahay wax qiimo yar, marka loo eego waxay rabaan.

Haddii la rabo in la yeesho foojignaanta ama diiradsaarka sida hay'adda sirdoonka oo kale shayga ugu muhiimsan tayo ahaan waa inuu kuu muuqdo shayga ugu muhiimsan oo ah xaqiiqda xaalladda.

Filim kasta oo basaas ama sirdoon ah, waxa ugu weyn ee ka sooca halyeeyga ama jillaha dadka kale, waa in uu mar walba garanaayo waxa ugu muhiimsan.

Hay'adda sirdoonku waa kuwo si dhab ah u shaqeeya. Kama tanaasulaan hawlgalkoodda, si kasta oo carqalladduhu u soo foodsaaraan , had iyo goorna waa kuwo garanaaya waxa ugu muhiimsan ee ay rabaan.
In kasta oo shar-waduhu laga yaabo inuu meesha ka baxsado, haddana sirdoonku wuxuu sii joogi doonaa tusaale ahaan, inuu furdaamiyo khatar uu maleegay dambiiluhu, sida bambo uu xidhay inuu furo ( disarm the bomb) wuxuu u joogi doonaa inuu badbaadiyo nafaha ama sameynta wax kasta oo mudnaanta ugu sarreysa leh ee xaalladda khusaysa.

Tusaale ahaan, hay'addan sirdoonku waxaa laga yaabaa inay leedahay kala mudnaantan soo socota:
• Badbaadinta nafaha iyo sida ugu suurtagalsan.

• Qabsashada dambiilaha ama xumaanta sida ugu dhakhsaha badan uguna macquulsan.
• Dhammaystirka hawlgalka ( mission) sida ugu macquulsan.
• Badbaadinta naftooda
Maxaa yeelay, hay'addani waxay si fiican u yaqaannaan waxa ugu muhiimsan xaallad kasta. Waxay awood u leeyihiin inay si cajiib ah oo degdegga uga falceliyaan, iyaga oo leh jihooyin cadcad, isla markaana diiradda saaraya waxa ugu muhiimsan.

Arrintaas aan soo sheegnayna waa ta keentay in si wayn loo qaddariyo sirdoonka, maxaa yeelay, xitaa marka ay xaalladdu ugu xun tahay , marka wax kastaaba u muuqdo inay qaldameen, marka wax weliba u muuqdo inay dhammaadeen, hay'addani waa kuwo dhaqaaqaya oo shaqaynaya, sababta oo ah waxay garanayaan waxa ay tahay inay diiradda saaraan.

Haddii adiguna rabtid diiradsaariddaas oo kale ama foojigaantaas oo kale , waxaad u baahan tahay inaad ka warqabtid diwaankaaga mudnaantaada/ waa inay kuu qoran tahay wax ahmiyad iyo mudnaan kuu kala leh, oo aannad uga tanaasulin karin wax kasta oo wax kale.

Taasi waxay la micno tahay , haddii shayga ugu horreeya ee mudnaanta kuu leh uu yahay inaad si adag u shaqayso ama si adag wax u barato, markaas ma burin kartid niddarkaa wax kasta oo dhaca iyo cid kasta oo kaa hor istaagta!

Niddarkan qiimaha kuu leh iyo joogtaynta mar walba waxa ugu muhiimsan , ayaa abuura foojignaan xad-dhaaf ah oo aan la barbardhigi karin shay kasta oo kale.

Daddaalkan joogtada ah ee ku aaddan qiyamkaaga iyo diiradsaarka waa ujeeddada wayn ee ka dambeysa hawsha aad qabanayso ayaa abuura diiradsaar aan innama caadi ahayn oo aannu jirin wax kale oo la barbardhigi karo!

W/Q: Maxamed Haybe Axmed
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...