Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa si qoto dheer u iftiimiyay muhiimadda munaasabaddii taariikhiga ahayd ee magaalada Boorama loogu sameeyay Ugaaska Guud ee Beelaha Samaroon, Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi. Wuxuu ku tilmaamay munaasabaddan mid ka tarjumaysa isbeddel dhab ah oo ku yimid hannaanka siyaasadeed ee dalka, isagoo xusay in xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ay la timid dhaxal siyaasadeed oo cusub, taas oo ah mid ku dhisan furfurnaan, ixtiraam dhaqameed, iyo qaran-jacayl muuqda.
Sida uu Wasiirku sheegay, soo dhaweyntani maahayn oo kaliya xaflad siyaasadeed ama martiqaad sharafeed; waxay ahaydmaamuus qaran, is-afgarad bulsho, iyo shucuur waddaniyadeedoo si daacad ah uga soo go’day quluubta shacabka reer Somaliland. Waxay ahayd marag cad oo muujinaysa in hoggaaminta cusub ee dalku ay si dhab ah u taabanayso dareenka dadweynaha, iyadoo dib loo soo celiyay kalsoonidii bulshada reer Somaliland.
Hadalkan miisaanka leh ee Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa si toos ah u iftiimiyay kaalinta qotada dheer ee Ugaaska Guud ee Beelaha Samaroon, Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi, uu ku leeyahay dhismaha midnimada bulshada iyo qaranimada Somaliland.
Wasiir Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle waxa uu yidhi"Ugaasku waa Boqor, waa aabe; sidaad ogtihiina aabaha ilmihiisu waa isugu mid, sidaa darteed Ugaaskeena dhammaan bulshadiisu waa u hal mid, dawladdiisuna waa u mid. Deeqdana Boqor ayuu u yahay, dulqaadkiisana Boqor ayuu u yahay, dadnimadana waa u Boqor.”
Erayadaasi waa kuwo si qotodheer u cabbiraya doorka Ugaaska Guud, isla markaana si hufan u iftiiminaya kaalinta iyo doorka Ugaaska oo ah hogaamiye dhaqan oo ummadi isku halleyn karto, isla markaana leh qiyam iyo mabda’ soo jireen ah oo ku dhisan deeqsinimo, dulqaad, iyo damiir hufan.
Wasiir Axmed-yaasiin wuxuu intaa ku daray:"Ugaaska Kii aammanay iyo kii wax ka sheegayba Ugaasku waa u Ugaas. Xukuumadduna waa xukuumad mideysan. Wadajir iyo waxqabad ayaa la yidhaahdaa. Bulshada oo dhan ayay mideyneysaa. Ugaaskuna dadkiisa ayuu mideynayaa. Xukuumadduna midnimadaasi ayay ku dhisan tahay. Sidaasi ayaan bulshada ugu bushaareynaynaa, Ugaaskuna ha soo dhawaado.”
Hadalkaasi waa bushaaro siyaasadeed, waa farriin qaran, waana dhiirrigelin bulsho. Wuxuu si cad u muujinayaa in hannaanka cusub ee dawladnimo ee Madaxweyne Cirro uu yahay mid ku salaysan sinnaan, isqaddarin, iyo talo-wadaag, taas oo ah tiirarka aasaasiga ah ee ay ku dhismaan dawladaha waara.
Qaran-jacayl la Taaban Karo:
Soo dhaweynta Ugaaska Guud waxay ahayd dhacdo aan hore u dhicin oo lagu muujiyay himilo qaranimo oo bulshada dhexdeeda dib uga soo ifbaxday. Munaasabaddani waxay marag u tahay in Somaliland ay leedahay awood dhaqan oo dib u xoojin karta midnimada iyo nabadda, haddii la helo hoggaan doonaya in uu dhagaysto shacabka, tixgeliyo dhaqanka, isla markaana ilaaliyo cadaaladda.
Waa dhacdo siyaasadeed oo xambaarsan dareen taariikhi ah:Ugaaskii la hor istaagay xukuumadihii hore ayaa maanta si milgo iyo maamuus qaran leh loogu soo dhaweeyay dalkiisii, dadkiisii iyo deegaankiisii.Tani waa isbeddel aan la iska indho tiri karin, Waana tallaabo dhiirrigelinaysa in kalsoonida shacabka lagu kasbado ficil muuqda, halkii laga heli lahaa ballan-qaad madhan.
Gunaanad:
Xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro waxay iftiimisay in ay si dhab ah ugu heelan tahay in Somaliland noqoto qaran ay dadkiisu isku arkaan kuwo siman oo dalka ku leh xuquuq isku mid ah. Munaasabaddii Boorama waxay u muuqatay goob bar-bilow u ah wajiga cusub ee Xukuumadda Somaliland ku wajahayso, midnimo bulsho, wadajir qaran, iyo qaran-jacayl ay dadku dareemayaan.