hadhwanaagnews
Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa mar kale muujisay bisayl siyaasadeed iyo aragti qoto-dheer oo ku dhisan qorshe qaran oo horumarineed iyo midnimo, iyada oo soo bandhigtay warbixin mug leh oo ku saabsan isku xidhka mashaariicda horumarka, nabadda iyo siyaasadda qaranka.
Tallaabadan ayaa ah mid taariikhi ah, maadaama ay xoojinayso yoolka weyn ee qaranku leeyahay iyo himilada Madaxweynaha Somaliland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ee la xidhiidha in la abuuro nidaam mideeyaysan oo lagu wajahayo qorshayaasha nabadda, horumarinta, iyo wadajirka bulshada. Warbixin ay soo diyaarisay Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, oo uu hoggaaminayo Wasiir Kaltuun Sh. Xasan Cabdi, ayaa lagu soo bandhigay Fadhigii 40-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Somaliland, taas oo iftiimisay in nabaddu ay tahay saldhigga horumarka iyo dawladnimadoo xooggan.
Shirkii Golaha Wasiirrada ee todobaadkan ayaa diiradda lagu saaray sidii mashruucan isku xidhka ahi uu u noqon lahaa tiir adag oo lagu dhisayo mustaqbal nabadeed, caddaalad, kalsooni horumar iyo midnimo iyo wadajir qaran. Yoolalka la higsanayo waxa ka mid ah: In laga hortago khilaafaadka iyo rabshadaha; In la xoojiyo kalsoonida bulshada iyo wada shaqaynta Dawlad iyo Shacab; In la dhiso nidaam caddaalad ah oo qof walba u siman yahay; In la taageero hay’adaha xallinta khilaafaadka; In la kobciyo waxbarashada iyo wacyigelinta nabadda iyo In la xoojiyo xidhiidhka nabadeed ee dalalka jaarka ah iyo beesha caalamka.
Isku xidhka Mashaariicda nabadda iyo siyaasadda qaranka ayaa ah hannaan cusub oo casri ah, kaas oo Qaranka u suurto gelinaya in dhammaan hay’adaha dawliga ah iyo kuwa bulshada rayidka ahi ay si mideysan uga wada shaqeeyaan ajandaha nabadeed ee qaranka. Tani waxay xoojinaysaa hirgelinta yoolka xukuumadda iyo isku dubaridka qorshayaasha qaranka nabadda, wadajirka iyo horumarka dalka, iyada oo la abuurayo ama lagu salaynayo nidaam daahfuran oo ku dhisan xog iyo cilmi.
Falanqaynta Wargeyska Dawan waxay si weyn u bogaadinaysaa hindisahan qaran oo ku dhisan aragti qoto-dheer, qorshe iyo wadaniyad dhab ah. Tani waa tusaale muujinaya in Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad ay si dhab ah u gudo gashay ballanqaadkeedii ahaa in nabaddu noqoto laf-dhabarka horumarka iyo wada noolaanshaha bulshada Somaliland.
Dhinaca kale, isla fadhigii 40-aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu hoggaaminayoMadaxweyne Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirroayaa mar kale muujiyey in Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad ay tahay Xukuumad ku dhisanqorshe, is-faham, iyo midnimo qaran.
Shirka Golaha Wasiirrada oo uu madaxweynaha ku wehelinayay Madaxweyne-ku-xigeenka, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, oo ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland, ayaa si qoto dheer loogu falanqeeyay 11 qodob oo waaweyn oo sal u ah maamul-wanaagga, nabadda, dhaqaalaha, shaqaalaha, amniga, caafimaadka, iyo horumarka dalka.
Nuxurka Fadhigii 40-aad ee Golaha Wasiirrada JSL
Warbixinadii lagu soo bandhigay shirka Golaha Wasiirrada waxaa ka mid ahayd Shaqaalaysiinta iyo Nidaamka HRMIS, kaas oo lagu xaqiijiyey xogta rasmiga ah ee shaqaalaha dawladda. Wajigii koowaad ee nidaamkan ayaa si guul leh loo hirgeliyey, waxaana lagu dhawaaqay in wixii hadda ka dambeeya Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu ay si buuxda u maamuli doonto habka shaqaalaysiinta, iyadoo la raacayo xeerarka iyo nidaamka shaqaalaha dawladda ee dalka.
Sidoo kale, shirka Golaha Wasiirrada waxaa lagu soo bandhigay warbixinno mug iyo miisaan leh oo la xidhiidha arrimo muhiim u ah qaran, kuwaas oo ay ka mid yihiin: Amniga Dalka, Dhaqaalaha, Maaliyadda iyo Dakhliga, Isku Xidhka War-Isgaadhsiinta Hay’adaha Dawladda, Xaaladda Xoolaha iyo Saamaynta Abaarta, Xaaladda Caafimaadka Guud ee Dalka, Warbixinta Shirkii Maalgashiga Somaliland, Horumarinta Kalluumaysiga, Xaaladda Barakacayaasha, iyo Xaaladda Abaaraha Dalka. Warbixinahan ayaa si guud u muujiyey dadaalka iyo qorshaynta istaraatiijiyadeed ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ee ku aaddan ilaalinta amniga, xoojinta dhaqaalaha, iyo horumarinta adeegyada bulshada.