Xukuumadda Somaliland oo Sii Daysay 12 Maxbuus oo u Xidhnaa Xuquuqo Madani ah

Saturday March 07, 2026 - 12:27:26
HADHWANAAGNEWS
Maxaabiistan ayaa laga sii daayey xabsiyada Mandheera ee gobolka Saaxil



Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan Wasaaradda Caddaaladda, ayaa sii daysay 12-kii maxbuus ee ugu horreeyey oo u xidhnaa arrimo la xidhiidha xuquuqo madani ah, kuwaas oo hore loogu xukumay xabsi balse mudadii xabsiga ay ku qaadanayeen ay ka dhammaatay, inkasta oo ay weli ku lahaayeen dayn.


 

Maxaabiistan ayaa laga sii daayey xabsiyada Mandheera ee gobolka Saaxil iyo Gabiley, iyadoo Wasaaradda Caddaaladdu sheegtay in qorshahani yahay mid lagu yareynayo dadka muddo dheer ku xidhnaada xabsiyada sababo la xidhiidha daymo madani ah.


 

Wasaaraddu waxay sidoo kale caddeysay inay sii wadi doonto dadaallada lagu sii deynayo dadka u xidhnaa xuquuqaha madaniga ah, gaar ahaan kuwa mudadii xabsiga ay ka dhammaatay balse weli ku jira xabsiyada ilaa ay ka bixiyaan daynta lagu leeyahay.


 

Tallaabadan ayaa si weyn loo soo dhaweeyey, maadaama ay ka dhigan tahay in daymaha ama xuquuqaha madaniga ah lagu dhameeyo dibadda, halka maxbuusku uu helayo xorriyaddiisa.

     
Loading...