hadhwanaagnews
Hargeysa (Hadhwanaagnews.com): Guddoomiyaha Hay’adda Dhowrista Tayada Somaliland, Mudane Maxamed Kayse Axmed, ayaa Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida u gudbiyey warbixin ku saabsan waxqabadka Hay’adda lixdii bilood ee u dambeeyey.
Hay’adda Dhowrista Tayada ayaa sheegtay inay dalka dib uga celisay markab siday basal iyo digir dhacay, halka sidoo kalena la gubay buuri dhacay, kaddib markii baadhitaanno lagu ogaaday inaanay badeecadahaasi buuxin shuruudaha tayada iyo badqabka.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in muddada lixda bilood ah la rakibay 42 mashiin, la bixiyey 55 shahaado, halka la saxay 25 bam shidaal.
Sidoo kale, Hay’addu waxay sheegtay inay muddadaasi baadhay 1,687 shirkadood, 5,214 koontinar, 147 doonyood iyo 64 markab, taas oo qayb ka ah hawlaha lagu hubinayo tayada badeecadaha iyo badqabka ganacsiga.
Hay’adda Dhowrista Tayada Somaliland ayaa sheegtay in hawlahan ay qayb ka yihiin dadaallada lagu ilaalinayo caafimaadka bulshada, hubinta tayada badeecadaha iyo xoojinta badqabka ganacsiga dalka.