Hay'adda Caymiska Qaranka iyo TradeMark Africa oo Ka Wada Hadlay Horumarinta Caymiska Ganacsiga SAWIRO

Monday March 09, 2026 - 13:28:08
HADHWANAAGNEWS
Kulanka oo uu guddoominayey Guddoomiyaha Hay'adda Caymiska Qaranka

May be an image of dais and text


Hay’adda Caymiska Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa kulan farsamo la yeelatay Hay’adda TradeMark Africa, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashi istaraatiiji ah oo lagu horumarinayo adeegyada caymiska ee taageera ganacsiga iyo marin-ganacsiyeedka Berbera Corridor.


 

Kulanka oo uu guddoominayey Guddoomiyaha Hay’adda Caymiska Qaranka Mudane Axmed Xirsi Ducaale ayaa si qoto dheer loogu falanqeeyey doorka caymisku ku leeyahay yareynta khataraha ganacsiga, gaar ahaan kuwa la xidhiidha gaadiidka, badeecadaha iyo dhaqdhaqaaqa ganacsi ee isaga goosha dalalka gobolka.


 

Dhanka TradeMark Africa waxaa kulanka ka qayb galay Sharmaake Cabdi Jaamac, Madaxa Hay’adda ee Somaliland, iyo Cabdiraxmaan Cabdillaahi, kuwaas oo carrabka ku adkeeyey in hirgelinta nidaam caymis oo wax-ku-ool ahi ay muhiim u tahay:


 

ilaalinta badeecadaha iyo gaadiidka ganacsiga

 

xoojinta kalsoonida ganacsatada iyo maalgashadayaasha

 

yareynta khataraha safarrada ganacsi ee isaga goosha dalalka


 

Sidoo kale kulanka waxaa lagu falanqeeyey muhiimadda ay leedahay in la horumariyo adeegyada caymiska ee taageera isticmaalka Dekedda Berbera iyo Berbera Corridor, si loo kordhiyo ganacsiga xuduudaha ka gudba iyo gaadiidka qaada xamuulka transit-ka ah.


 

Ugu dambayn, labada dhinac ayaa isla gartay in la sii xoojiyo iskaashiga mustaqbalka, si loo horumariyo adeegyada taageera ganacsiga, loona kobciyo doorka caymisku ku leeyahay horumarinta dhaqaalaha iyo fududeynta ganacsiga ee Jamhuuriyadda Somaliland.

May be an image of one or more people and text
No photo description available.
May be an image of one or more people, beard, people studying and suit
May be an image of one or more people and people studying
May be an image of headscarf
May be an image of text that says '日 A Ahmed Duale'
May be an image of one or more people, dais and text


     
Loading...