Agaasimaha Xannaanada Xoolaha oo Ka Hadlay Aasaaska Xarunta Qaranka ee Daraasaadka Siyaasadda

Wednesday August 26, 2026 - 20:20:03
hadhwanaagnews
"Aasaasidda Xaruntan Qaranka ee Daraasaadka Siyaasaddu waxay ka jawaabaysaa



Hargeysa (Hadhwanaagnews.com): Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland, Axmed Cismaan Jaamac (Talo-Same), ayaa ka hadlay aasaaska Xarunta Qaranka ee Daraasaadka Siyaasadda Guud (NCPPS), isaga oo sheegay in xaruntu wax weyn ka tari doonto horumarinta iyo xoojinta siyaasadaha iyo xeerarka dalka.

 

Agaasimaha ayaa sheegay in aasaaska xaruntu ka jawaabayo baahiyo muddo ka jiray Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda, gaar ahaan sidii loo heli lahaa siyaasado iyo xeerar si dhab ah uga turjumaya baahiyaha iyo duruufaha dalka.

 

Waxa uu yidhi:

 

"Aasaasidda Xaruntan Qaranka ee Daraasaadka Siyaasaddu waxay ka jawaabaysaa baahiyihii ka jiray wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda. Waxay wax weyn ka tari doontaa xoojinta lahaanshaha siyaasadaha iyo xeerarka, si ay uga turjumaan baahiyaha dhabta ah ee dalka, halkii ay noqon lahaayeen wax dibadda laga soo min-guuriyey.”

 

Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Machadka Shaqaalaha

 

Dhanka kale, Agaasimaha Guud ayaa sheegay in Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyigu ay wada-hadal kula jirto Machadka Shaqaalaha Dawladda, iyadoo labada dhinac qorshaynayaan inay kala saxeexdaan heshiis is-afgarad (MOU) oo lagu xoojinayo wada-shaqaynta.

 

Waxa uu yidhi:

 

"Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyigu waxa ay wada-hadal kula jirtaa Machadka Shaqaalaha Dawladda, waxaana jira heshiis is-afgarad (MOU) oo aanu ku kala saxeexanayno, si aanu u xoojino wada-shaqaynta labada dhinac.”

 

Agaasimaha oo ku baaqay in Af-Soomaaliga lagu qoro xeerarka

 

Axmed Cismaan Jaamac ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in Af-Soomaaliga door weyn ka qaato diyaarinta iyo qorista xeerarka dalka.

 

Waxa uu sheegay in qaar badan oo ka mid ah xeerarka dalka ay ku qoran yihiin Af-Ingiriisi, taas oo caqabad ku noqon karta fahamka bulshada iyo helitaanka xogta sharciyeed.

 

Waxa uu yidhi:

 

"Waxyaabaha caqabadaha ah waxa ka mid ah luuqadda. Xeerar badan waxay ku qoran yihiin Af-Ingiriisi, waxaana u baahanahay in Machadku door ka qaato curinta iyo diyaarinta xeerarka, isla markaana Af-Soomaaligu noqdo af si fiican loo fahmo oo xeerarka lagu qoro.”

     
Loading...