Ujeeddadu waa in la hubiyo hufnaan, isla xisaabtan iyo nidaam sharciyeed oo mideysan.
Gudoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka, Mudane Cabdo Axmed Aayir, ayaa shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, isaga oo si faahfaahsan uga hadlay wareegtadii uu soo saaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.
Wareegtadan ayaa qeexaysa in dhammaan mashaariicda laga maalgeliyo deeqaha caalamiga ah iyo bangiyada caalamiga ah si rasmi ah loogu hoos geeyo Guddida Qandaraasyada Qaranka.
Ujeeddadu waa in la hubiyo hufnaan, isla xisaabtan iyo nidaam sharciyeed oo mideysan.
Gudoomiyuhu waxa uu caddeeyay in talaabadan ay muhiim u tahay horumarinta daahfurnaanta mashruucyada la maalgeliyo, iyo in la hubiyo in habka qandaraasyadu uu noqdo mid cadaalad ah oo la isku halayn karo.