Dugsiyada Milatari ee Casriga ah: Furaha Qaabaynta Mustaqbalka Awooda Ciidaka Qaranka JSL

Thursday September 18, 2025 - 12:16:55
hadhwanaagnews
Cutubyada gaarka ah ee Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland



Somaliland waxay maanta ku faantaa Ciidankeeda Qaranka oo ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee nabadda, xasiloonida, iyo horumarka dalka. Muddooyinkii u dambeeyay, Ciidanka Qaranka ayaa muujiyay horumar muuqda oo ku saabsan diyaar-garowga, xirfadaha dagaalka, iyo farsamooyinka casriga ah ee lagu ilaalinayo qaranka iyo shacabka Somaliland.

Cutubyada gaarka ah ee Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland (Special Forces) ayaa loo tababaray si heer sare ah, iyagoo lagu qalabeeyay noocyada ugu casrisan ee hubka, farsamooyinka iyo xirfadaha dagaalka casriga ah, hababka sirdoonka, tiknoolajiyadda iyo fulinta hawlgallada khaaska ah. Tani waxay muujinaysaa in Somaliland ay leedahay ciidan awood u leh in ay si hufan oo xirfad leh u fuliyaan hawlgallada amniga qaranka, isla markaana la jaanqaadi kara xaaladaha isbeddelaya ee gobolka iyo caalamka ba.

Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL, Sareeye Guuto Nimcaan Yuusuf Cismaan, ayaa si rasmi ah u soo xidhay 29/August/2025, tababar gaar ah oo loo qabtay cutub ka tirsan Ciidanka Gaarka ah. Tababarkan ayaa xoogga lagu saaray xirfadaha dagaalka casriga ah, adeegsiga sirdoonka, iyo diyaar-garowga hawlgallada khaaska ah. Taliyuhu wuxuu ammaanay dadaalka iyo anshaxa cutubkan, isagoo carabka ku adkeeyay in horumarinta Special Forces ay tahay tiir muhiim ah oo ka mid ah istiraatiijiyadda lagu dhisayo ciidan qaran oo casri ah, diyaarna u ah difaaca iyo ilaalinta amniga dalka.

Horumarka ballaadhan ee ciidanka qaranka JSL ku tallaabsaday maaha oo kaliya tababarka iyo qalabka ciidamada, balse waxaa sidoo kale xoogga la saaray diyaarinta xarumo tababar oo joogto ah, sida Dugsiga Tababarka Cadaadlay ee gobolka Maroodijeex, kaas oo hadda noqday xarunta ugu muhiimsan ee tababarka ciidanka gaarka ah. Tani waxay ka tarjumaysaa himilo cad oo ah in Somaliland ay yeelato ciidan heer caalami ah oo xirfad leh.

Horumarka ciidamada qaranka waa astaan cad oo muujinaysa in Somaliland ay tahay dal nabad iyo xasilooni ku dhisan, isla markaana diyaar u ah inay ka hortagto khatar kasta oo soo food saarta. Awoodda iyo diyaar-garowga ciidanka waxay sidoo kale kaalin weyn ka ciyaarayaan in dalka uu si nabad ah u horumaro, isla markaana uu yeelasho jawi ammaan ah oo ganacsiga iyo maalgashiga u fudud.

Dhinaca kale, Saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si rasmi ah uga qalinjabiyay 22-kii August 2025 jaamacadda culuumta milatariga ee dalka Taiwan, (Taiwan national defense university, gaar ahaan kuliyadaha War College iyo Staff College.

Tababarkan oo socday sannado ayaa saraakiishan u suurtageliyay in ay bartaan xirfadaha hoggaaminta, qorsheynta istiraatiijiga ah, maamulka cutubyada, iyo fulinta hawlgallada milatari ee heerka sare. Qalinjabintan waxay ka qayb qaadan doontaasafarka Ciidanka Qaranka ee xirfad sare iyo diyaar-garow dhamaystiran, iyada oo saraakiishu ay aqoontooda cusub uga faa’iideyn doonaan gudaha dalka.

Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL, Sarreeye Guuto Nimcaan Yuusuf Cismaan, ayaa hanbalyo u diray saraakiisha ka qalin jabiyay Taiwan, isagoo ku dhiirrigeliyay in aqoonta ay barteen ay kaalin muuqata kaga qaadato horumarinta iyo tayaynta ciidamada qaranka.

Tani waxay muujineysaa sida Ciidanka Qaranka Somaliland uu u sii xoojinayo awoodiisa, xirfadiisa, iyo diyaargarowgiisa, iyadoo la hubinayo in ciidamada dalku ay yihiin kuwo leh karti sare iyo hufnaan milatari.

Saraakiisha ka Baxay Kulliyadda War College:

Saraakiisha ka qalinjabiyayJaamacadda Dagaalka (War College)waxay barteen aqoon qoto dheer oo ku saabsanqorsheynta istiraatiijiga ahiyohoggaaminta sare ee ciidamada, oo ay ku jiraan hagista cutubyada waaweyn iyo maamulka guud ee ciidanka. Waxay sidoo kale ku takhasuseenfarsamooyinka dagaalka casriga ah, sida hawlgallada gaarka ah, dagaalka magaalada, xirfadaha sniper-ka, sirdoonka, iyo tiknoolajiyada casriga ah ee militariga.

Intaa waxaa dheer, saraakiishu waxay barteendifaaca qarankaiyoxidhiidhka caalamiga ah, oo ay ku jirto wada shaqaynta dowladda, dalalka kale, iyo hay’adaha caalamiga ah. Waxaa sidoo kale diiradda la saarayamniga qaranka, siyaasadda difaaca, maamulka sare, iyogo’aan qaadashada heer sare.

Kulliyadda Staff College:

Saraakiisha ka qalinjabiyayJaamacadda Staff College, oo ah kulliyad bixisa culuumtaxirfadaha istiraatiijiga iyo maamulka ciidamada ee heer sare, waxay barteenqorsheynta iyo fulinta hawlgallada milatari, oo ay ku jiraan diyaarinta iyo maamulka hawlgallada ciidamada ee heer gobol ama qaran. Waxay sidoo kale ku takhasuseenmaamulka cutubyada iyo taliyayaasha, tababarka hoggaaminta, maamulka kheyraadka, iyo nidaaminta ciidanka.

Intaa waxaa dheer, saraakiishu waxay barteenistiraatiijiyadda difaaca iyo amniga, falanqaynta xaaladaha amni, qorsheynta istiraatiijiga, iyo la qabsiga xaaladaha dagaal. Waxay sidoo kale horumariyeenkartida go’aan qaadashada, isku dubaridka ciidanka, iyo hoggaaminta cutubyo badan, iyadoo la xoojinayoiskaashiga iyo wada shaqeyntaciidamada kala duwan iyo qorsheynta hawlgallada ciidamada saaxiibka ah.

Guud ahaan,Staff Collegewaa xarun sare oo loogu talagalay in saraakiishu noqdaanhoggaamiyeyaal xirfad leh, diyaarsan si ay u maamulaan una hagaan ciidanka heer qaran.

Sidoo kale, Saraakiil ka tirsan Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa bishii July 2025 si rasmi ah uga qalinjabiyay Kulliyadda Abanduulka Sare ee Dagaalka (Staff College) ee dalka Ethiopia. Xaflada qalinjabinta oo ka dhacday Addis Ababa, waxaa ka qayb galay hoggaanka sare ee Ciidanka Qaranka JSL, taasoo muujinaysa muhiimadda ay leedahay xidhiidhka tababarka iyo iskaashiga milatari ee gobolka.

Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL, S/Guuto Nimcaan Yuusuf Cisman, ayaa saraakiisha ku hambalyeeyay guusha ay ka gaadheen kuliyadan heerka sare ah, isagoo carabka ku adkeeyay in tababarkan uu sare u qaadayo xirfadaha hoggaamineed, qorsheynta istiraatiijiga ah, iyo maamulidda hawlgallada milatari ee heer qaran.

Qalinjabintan waxay cadeyn u tahay sida Ciidanka Qaranka JSL uu u hormarinayo karti iyo aqoon sare oo dhanka hoggaaminta iyo qorsheynta istiraatiijiga ah, iyadoo la xaqiijinayo in saraakiishu ay noqdaan hoggaamiyeyaal xirfad leh, diyaarsan, islamarkaana awood u leh inay ka shaqeeyaan amniga iyo difaaca qaranka.

Tababarka iyo iskaashiga caalamiga ah ee noocan oo kale ah waxa uu sidoo kale kor u qaadaa xidhiidhka Ciidamada Qaranka Somaliland iyo ciidamada saaxiibka ah ee gobolka, taasoo qayb ka ah istiraatiijiyadda guud ee horumarinta iyo amniga gobolka.

Ciidanka Qaranka Somaliland: Tiirka Nabadda iyo Horumarka Qaranka.

Dowladda Somaliland ayaa si joogto ah u garab taagan ciidamadeeda, iyada oo dhiirrigelisa la socodka farsamooyinka casriga ah, u hoggaansanaanta nidaamka, iyo kor u qaadista diyaar-garowga iyo anshaxa milatari. Sidoo kale, shacabka waxaa laga doonayaa in ay garab istaagaan ciidamada, iyagoo ixtiraamaya masuuliyadooda iyo kaalinta ay kaga jiraan sugidda amniga iyo xasiloonida dalka.

     
Loading...