Madaxweynaha JSL: Midnimada iyo Nabadda ayaa Furaha u ah Aqoonsiga Somaliland

Friday March 20, 2026 - 17:45:45
hadhwanaagnews
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dadaallada....



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegay in shacabka Somaliland ay yihiin dal iyo dad midaysan, isla markaana danta qaranku ku jirto ilaalinta nabadgelyada iyo midnimada bulshada.


 

Madaxweynuhu wuxuu carrabka ku adkeeyay in dowladdiisu mudnaan gaar ah siinayso xoojinta nabadda iyo wadajirka, kuwaas oo uu ku tilmaamay asaaska ugu weyn ee horumarka iyo jiritaanka qaranka.


 

"Dal iyo dad qudha ayaynu nahay, danta qaranku waxay ku jirtaa nabadgelyada iyo midnimada inaan ka wada shaqayno, taas oo ah asaaska iyo mudnaanta dowladayda," ayuu yidhi Madaxweynaha JSL.


 

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dadaallada joogtada ah ee lagu dhisayo nabadda iyo midnimada ay yihiin sababta ugu weyn ee Somaliland u hiigsanayso helitaanka aqoonsi caalami ah.


 

"Nabaddaa iyo midnimadaa aan ku dadaalnay ee aan ka shaqaynay ayaa sabab u ah inaan ictiraafka helno," ayuu raaciyay.


 

Hadalka Madaxweynaha ayaa muujinaya muhiimadda ay leedahay in bulshada Somaliland ay sii xoojiso wadajirka iyo xasilloonida, si loo gaaro himilooyinka waaweyn ee qaran, gaar ahaan aqoonsiga caalamiga ah iyo horumar waara.

     
Loading...