Khadka socdaalka, Trump wuxuu ku baaqay in waddamada
Donald Trump ayaa khudbad kulul ka jeediyay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay (UN General Assembly) isagoo si cad u weerarayo siyaasadaha socdaalku, tamarta la cusboonaysiin karo, iyo hay’adda Qaramada Midoobay qudheeda.
Mid ka mid ah hadalladiisii ugu muranka badnaa waxay ahayd: "Your countries are going to hell” — hadal uu Trump u jeediyay dawladaha Europe, isagoo canbaareynaya siyaasadaha xuduudaha furan iyo soo-galootiga.
Sidoo kale, Trump wuxuu ka hor jeediyay "tamarta cagaaran” iyo dadaallada la xiriira isbeddelka cimilada, wuxuuna sheegay in qorshayaashan ay dhaawacayaan dhaqaalaha waddamada reer Galbeedka. Waxa uuna tilmaamay in arrimahan ay yihiin "con job” — sheeko lagu khiyaameeyey dunida.
Khadka socdaalka, Trump wuxuu ku baaqay in waddamada ay xiraan xuduudahooda oo ay sidoo kale jid-goynta dadka soo galootiga ah, isagoo tilmaamay in siyaasadaha socdaalka ee hadda jira ay burburinayaan dhaqanka iyo ammaanka waddamada reer Galbeedka.
Inkasta oo uu udub dhexaad u ahaa weerarada siyaasadaha caalamiga ah, Trump ayaa sidoo kale sheegey in Maraykanku uu yahay difaacaha hab-nololeedka reer Galbeedka iyo in siyaasadiisa dibadda ay tahay mid xoogga saaraysa madax-bannaani qaran iyo ilaalinta danaha gudaha.
Dhanka kale, khudbadda ayaa lagu tilmaamay in ay kaligeed ku cabbirto Trump rajo iyo hanan ah in aragtidiisa diblomaasiyadeed la hirgeliyo, iyadoo saameyn ay yeelan karto xiriirka Maraykanka iyo dalalka Europe iyo hay’adaha caalamiga ah.
1. Falcelinta Yurub iyo UK.
Dalalka Yurub ayaa si xoogan uga jawaabay hadallada uu Trump ku eedeeyey inay "burinayaan hidaha iyo dhaqankooda” (heritage) iyagoo furaya xuduudaha, iyo siyaasadaha socdaalka.
In gaar ah, hadalkii uu Trump ku sheegay London inuu "u socdo Sharia law” hoosta Sadiq Khan ayaa dhaliyay caro siyaasadeed gudaha UK. Xisbiga Labour ayaa sheegay in hadalkaasi yahay mid faquuq iyo nacayb diimeed ah (Islamophobia) ku dhisan.
2. Dib u eegista Qaramada Midoobay iyo hoggaanka caalami ah
Trump wuxuu UN-ka ku eedeeyey in uu yahay mid lahayn ficil iyo ujeedo cad, isaga oo sheegay in ay ku koobantahay "ereyo madhan” (empty words) marka lagu eego xalinta khilaafaadka caalamiga ah.
Laakiin markii danbe, Trump ayaa sheegay in inkasta oo uu mararka qaar ka soo horjeedo siyaasadaha UN, uu taageersan yahay ururka, isagoo tilmaamay in "mideynta nabadda” ay weli suurtagal tahay.
3. Sheegashada Xalinta Dagaallada iyo Loolanka Dhaliisha .
Trump ayaa sheegay inuu gacanta ku jiro dhibaatada udhaxeysay dhowr khilaaf oo caalami ah, isagoo ku dooday in UN uusan ka qayb qaadan xaladooda.
Qaar ka mid ah khubarada siyaasadda caalamiga ah ayaa dhaliilay sheegashadiisa, iyagoo sheegay in wax badan oo ka mid ah khilaafaadkaas aysan weli xal rasmi ah helin, ama Trump aanu lahayn caddeyn buuxda oo muujinaysa in isaga keli ahi ka soo dhex baxay.
4. Saameyn la taaban karo iyo Dhaleecayn .
Khudbadda ayaa dhaawacday xiriirka diblomaasiyadeed ee Maraykanka iyo qaar ka mid ah dowladaha Yurub, gaar ahaan kuwii horay uga digay siyaasadaha socdaalka iyo tamarta cagaaran.
Waxaa la arkay in qaar ka mid ah dowladaha Yurub ay bilaabeen inay difaacaan siyaasadooda socdaalka ama ay ka jawaabaan hadallada Trump iyagoo muujinaya inay jiraan kala duwanaansho aragti ah oo ku saabsan ilaalinta xuquuqda dadka soogalootiga ah iyo heshiisyada caalamiga ah.
5. Muuqaalka Madasha Caalamiga ah.
Madasha Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa noqotay fursad Trump u isticmaalay si uu fikrado dhaadheer uga jeediyo mowduucyo sida socdaalka, dhaqaalaha tamarta, iyo doorka dalalka reer Galbeedka.
Khudbaddiisa ayaa sidoo kale keentay in la is weydiiyo sida Maraykanku u sii wadi doono doorka hoggaamineed ee arrimaha caalamiga ah haddii ay siyaasadihiisu noqdaan kuwo aad u adag, loona baahan yahay wada shaqayn iyo is-faham caalami ah.
6- Denbiyada laga galay Gasa:
Dalalka reer galbeedka Denbiyo waaweyn ayay ka galeen shacabka reer Gasa oo xasuuqan waa ka qeyb, kol hadii ay dhaliili waayeen xasuuqan ay Israa’iil ka geysanayso Gasa
Waa denbiyo ka soo horjeeda duquuql insaanka iyo sharciya caalamiga ah.
Ictiraafkan ay aqoonsadeen,
maaha mid ka saamaxaysa oo ka cafinaysa in ay cunaqabatayn ku samayn waayeen israaaiil oo ay xadhka u jari waayeen.
Cali Biixi