Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Burco oo kulan La-qaatay wefti ka socday Sanduuqa Horumarinta Somaliland

Sunday August 03, 2025 - 15:26:33
hadhwanaagnews
Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Burco, Sakariye Lamuumbe


Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Burco, Sakariye Cabdiraxmaan Lamuumbe, ayaa maanta xafiiskiisa ku soo dhaweeyay wafti heer sare ah oo ka socday Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF), waxaana labada dhinac ay kulan diirada ku saareen xaaladda biyaha ee degmada Burco iyo qorshayaasha lagu horumarinayo adeegyada biyaha si loo gaadhsiiyo bulshadda deegaanka biyo nadiif ah oo tayadoodu sarreyso, isla markaana qiimahoodu yahay mid la awoodi karo.

Kulankan oo ahaa mid is-dhaafsi ah ayaa ahaa fursad muhiim ah oo labada dhinac ay ku falanqeeyeen caqabadaha haysta bixinta biyaha Burco, iyadoo la eegay dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin farsamada, maalgashiga, iyo maamulka adeegyada biyaha.

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Burco, Sakariye Lamuumbe, ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay helitaanka biyo nadiif ah oo ku filan bulshada Burco, isaga oo sheegay in horumarinta adeegyada biyaha ay tahay tiir muhiim u ah caafimaadka iyo nolosha dadka deegaanka.

Waxaanu yidhi."Waxaan dooneynaa inaan kor u qaadno tayada biyaha iyo helitaankooda, si ay bulshada Burco, ugu noolaato nolol caafimaad leh, biyo nadiif ah oo qiimo jaban ah ay helaan waa xaq aasaasi ah,”
Maareeyuhu waxa uu intaa ku daray in ay ka go’an tahay wakaaladda inay si dhow ula shaqeyso Sanduuqa Horumarinta Somaliland si loo hirgeliyo mashaariic waxtar leh oo bixiya adeegyo tayo leh oo ka jawaabaya baahida dadka deegaanka.
Waftiga ka socday Sanduuqa Horumarinta Somaliland, ayaa dhinacooda muujiyay sida ay u diyaar u yihiin inay taageeraan qorshayaasha iyo dadaallada wakaaladda biyaha ee Burco, iyaga oo xusay in mashruucyadan ay qayb muhiim ah ka yihiin qorshaha guud ee horumarinta kaabayaasha biyaha ee Somaliland.
Wafdigu waxa uu sheegay in dadaalka lagu bixinayo adeegga biyaha nadiifka ah uu leeyahay saameyn toos ah oo ku saabsan caafimaadka guud, waxbarashada, iyo horumarka dhaqaalaha ee deegaanka, taasoo ka dhigaysa in mashruucyada noocan oo kale ah ay mudan yihiin in si buuxda loo maalgeliyo loona taageero.
Labada dhinac ayaa isla gartey in la abuuro qorsheyaal waara oo lagu ballaadhinayo adeegyada biyaha ee Burco, kuwaasoo diiradda saaraya dhismaha kaabayaasha casriga ah, dayactirka shabakadaha jira, iyo sidii loo heli lahaa ilo cusub oo biyo la isku halleyn karo.
Waxaa la isla qaatay in la sameeyo xisaab xidh oo loogu talagalay in lagu maareeyo si hufan maalgelinta la helo, isla markaana la xaqiijiyo in adeegyada biyaha ay si siman ugu gaadhaan dhammaan bulshada Burco, gaar ahaan qaybaha ka tirsan dadka danyarta ah.
Horumarinta biyaha Burco waxay kaalin muuqata ka qaadan doontaa yareynta cudurrada faafa ee ka dhasha biyo wasakhaysan, kor u qaadida tayada nolosha, iyo dhiirrigelinta dhaqaalaha maxalliga ah.
Wakaaladda Biyaha Burco ayaa sidoo kale ka shaqeyn doonta wacyigelinta bulshada si loo ilaaliyo biyaha loona horumariyo dhaqamada wanaagsan ee isticmaalka biyaha.
Gaba-gabadii kulanka maanta ayaa ahaa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga u dhexeeya Wakaaladda Biyaha Burco iyo Sanduuqa Horumarinta Somaliland, taasoo iftiiminaysa sida wada shaqeyntu u horseedi karto horumar waara oo dhinaca biyaha ah.
Waxaa la filayaa in mashaariicda iyo qorshayaasha laga soo saaro kulankan ay kaalin weyn ka qaataan horumarinta adeegyada biyaha, kor u qaadida caafimaadka bulshada, iyo xoojinta dhaqaalaha degmada Burco.
     
Loading...